Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsMid Kamid ah Gacanyaraasha Cabdi Iley oo Isku Day Dil ka Badbaaday...

Mid Kamid ah Gacanyaraasha Cabdi Iley oo Isku Day Dil ka Badbaaday iyo Masuul Lagu Dilay Jobalka Jarar.

Masuul katirsan maaamulka ay Xabashidu ka dhisatay Dhulka Soomaaali-galbeed ayaa la dilay, iyadoo mid kamid ah gacanyarayaasha Cabdi Iley uu isana ka bad baaday isku day dil.

Magaalada Adis Ababa ee caasimadda Itoobiya waxaa habeen hore ka dhacay, isku day dil oo la doonayay in nolosha lagu dhaafiyo mid kamid ah gacanyarayaasha Cabdi Ileey oo ah hogaamiyihii hore ee maamulka ay Xabashidu ka dhisteen dhulka Soomaali-galbeed.

Nasrudiin Canab iyo xubno kale oo kamid ah shaqsiyaadka sida aad ah ugu dhow Cabdi Ileey ayaa lagu rasaaseeyay guri ay kaga sugnaayeen magaalada Adis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Mid kamid ah ilaalada Mustafa Cagjar oo ah hogaamiyaha maamulka ay Xabashidu ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay weerarkaan, waana askari Itoobiyaan ah oo kasoo jeeda Qowmiyadda Amxaarada.

Geesta kale sarkaal sare oo katirsan ilaalada Mustafa Cagjar ayaa lagu dilay, gobalka Jarar oo kamid ah dhulka ay gumeysato Dowladda Xabashida Itoobiya.

Halkaan ka Degso Warka Adis Aababa

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.