Wararka ka imaanaya magaalada Wajeer ee dhulka NFD kuna hoos jira gumeysiga Dowladda Kenya ayaa ku waramaya, in maalmo kahor magaaladaas lagu afduubtay Xuseen Cabdiraxmaan Maxamed oo kamid ahaa shaqaalaha maamulka ay Kenya ka dhisatay gobalkaas.
Muddo 5 maalmood ah ayaa la sheegayaa in la la’yahay halka uu jaan iyo cirib dhigay Xuseen Cabdiraxmaan Maxamed oo kamid ahaa shaqaalaha maamulka ay Kenya ka dhisatay gobalka Wajeer.
Qaar kamid ah ehelka ninkaan ayaa waxa ay walaac xooggan ka muujiyeen maqnaanshaha ninkaan katirsan shaqaalaha Kenya, iyagoo xusay in lambarradiisu ay dansan yihiin islamarkaana aysan ogeyn halka raq iyo ruux toona lala aaday.