Cabdullaahi Sheekh Xasan oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka Dowladda Federaalka ayaa si kulul ula hadlay taliyaha booliiska gobolka Banaadir, kaasoo dhawaan xabsiga dhigay mid kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka.
Wuxuu sheegay in dowladda xilligan talada heysa sanad kadib ay wareejin doonto talada, taliyaha booliiska gobolka Banaadirna la gudboontahay inuu u fiirsado tallaabooyinka uu qaadayo, kuwaasoo mugdi gelin karo mustaqbalkiisa ciidannimo, sida uu sheegay Cabdullaahi Sheekh Xasan.