Wasiirkii gaadiidka ee Ruushka ninka lagu magacaabo Ruumaan Sitaarafuweet ayaa isdilay kadib markii uu xilka ka qaaday madaxweyne Ruushka Faladamiir Butin Isniintii.
Guddiga dambi baarista Ruushka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in meydka mas’uulkan laga helay gaarigiisa oo ku sugnaa magaalada Mosko.
Waxay intaas ku dareen, in calaamadaha ugu horreeya ee baaritaanka ay muujinayaan in jirkiisa ay ka muuqdaan dhaawacyo rasaas ah, taas oo loo badinaya inuu isga isku dhuftay. Maamulka ayaana furay baaritaan lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen.
Ilo wareedyo ku dhow dhow guddiga baaritaanka ee Ruushka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay, in wasiirka xilka laga qaaday uu wajahayay eedeymo la xiriira musuq maasuq maaliyadeed iyo wax isdaba marin, waxaana qorshuhu ahaa in xabsiga loo taxaabo galabnimadii uu geeriyooday.
Isla maalintii shalay oo mas’uulkaasi uu isdalay, nin horay usoo noqday ku xigeenkii taliye guud ee ciidamada Ruushka ayaa lagu xukumay 17 sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay kiis la xiriira xatooyo in ka badan 1 bilyan oo Ruubil oo lacagta Ruushka ah, taas oo u dhiganta $12.7 milyan oo Doollarka Mareykanka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS.
Mas’uulkan oo lagu magacaabo Kornayl Khaliil Arsilanof ayaa waxa ay Maxkamad millatari isaga iyo kuwa kale ku soo oogtay, inay xadeen ku dhawaad 1.6 bilyan oo lacagta Ruushka ah, taas oo ahayd qandaraasyo ay dowladdu la gashay shirkad bixisa adeegyada isgaarsiinta iyo qalabka millatariga ee ciidamada Ruushka.
Arsilanof ayaa sidoo kale lagu helay dambi ah in uu madax ka tirsan shirkad isgaarsiineed oo ay leeyahay millitari Ruushka uu ka qaatay lacag dhan 12 milyan oo Ruubil.
Arintan ayaa imaanayso, iyadoo Ruushka uu bilaabay ol-ole lagu soo qabqabanayo dadka lagu tuhmayo kiisas masuq-maasuq ah, waxaana xabsiga loo taxaabay qaarkamida saraakiisha sare ee wasaarada gaashaandhigga, kadib markii lagu helay fadeexooyin la xiriira musuqmaasuq, kaas oo saameeyay heerkii ugu sarreeyay ee ciidamada Ruushka sannadkii la soo dhaafay.
Maalmo ka hor, wasiir ku xigeenkii hore ee gaashaandhigga ee Ruushka Taymuur Iifanoof ayaa lagu xukumay 13 sano oo xarig ah, kaddib markii lagu soo eedeeyay kiisas musuqmaasuq ah.