Maxamuud Cali Yuusuf oo ah gudoomiyaha ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in duullaanka ciidamada Shisheeye ee Soomaaliya loona soo gaabiyo AUSSOM, uu si degdeg ah ugu baahan yahay lacag dhan 190 Milyan oo Doollar, taas oo ah qarashaadkiisa shaqo ee sanadkaan 2025 oo kaliya.
Waxa uu sheegay in duullaankooda Soomaaliya uu wajahayo caqabad dhaqaale oo baahsan, loona baahan yahay in xal degdeg ah laga gaari arrintaas, haddii aysan taasi dhicinna ay sababi doonto musiibo ku dhacda duullaankooda Soomaaliya.