Midowga Yurub ayaa si kulul uga falceliyay go’aan cusub oo dhawaan kasoo baxay madaxweynaha Mareykanka Doonal Taraam, kaas oo canshuur dheeraad ah saaray birta Maraykanka looga keeno dibadda. Midowga Yurub ayaana Waashitoon uga digay in tallaabadan ay horseedi karto tallaabooyin falcelin ah oo keeni kara dagaal dhaqaale oo labada dhinac ka dhex qarxa.
Taraam ayaa Jimcihii lasoo dhaaqafay amar uu soo saaray ku kordhiyay cashuuraha laga qaado birta losoo dhoofiyo Mareykanka, laga bilaabo boqolkiiba 25% illaa boqolkiiba 50%, tallaabadan oo uu shaaciyay xilli uu khudbad ka jeedinayay kulan lagu qabtay warshad ka shaqaysa birta oo ku taalla gobolka Binsalfeeniya, ayaa buuqbadan ka dhex dhalisay wadamada reer galbeedka.
Afhayeen u hadlay Midowga Yurub oo war kooban siiyay warbaahinta NBC Niyuus ayaa sheegay, in go’aankan uu dhaawacayo dadaalladii lagu doonayay in lagu xalliyo muranka ganacsi ee u dhexeeya labada dhinac, isaga oo yiri: “Waxaan si weyn uga xunnahay go’aankan, kaas oo khatar gelinaya xasilloonida dhaqaale ee caalamka.”
Midowga Yurub ayaa dhankiisa ku dhawaaqay, in uu diyaar u yahay dhaqan galinta tallaabooyin falcelin ah haddii Mareykanku ka laaban waayo kordhinta cashuurahaas, kuwaas oo saameyn doona badeecooyinka Mareykanka laga keeno ee loo iib geeyo wadamada qaaradda Yurub.
Dhanka kale, ururka shaqaalaha birta ee Mareykanka iyo kan Kanada ayaa sidoo kale si adag u cambaareeyay go’aanka Doonal Taraam, iyaga oo ku tilmaamay arrintaas inay tahay weerar toos ah oo lagu hayo shaqaalaha iyo warshadaha birta ee Waqooyiga Ameerika. Madaxa ururka birta ee dalka Kanada oo warbaahinta la hadlay ayaa dawladiisa ugu baaqay inay si degdeg ah uga jawaabto canshuuraha uu Taraam soo rogay, taas oo khatar wayn ku ah sida uu sheegay, boqolaal shaqo oo ku tiirsanaa birta loosoo dhoofiyo Maraykanka.
Isku dayadii maxkamadaha Mareykan ee la doonayay in lagu hor istaago go’aanka Taraam ayaa ku dhamaaday guuldaro, kaddib markii maxkamad sare ay hakisay go’aanka maxkamadda ganacsiga, taas oo sii xoojisay shakiga laga qabo jihada uu Taraam u wado siyaasadda ganacsi ee Mareykanka.