Monday, July 14, 2025
HomeAll NewsMilatariga Suuddan oo La Wareegay Magaalo Istaraatiiji ah oo Ku Taalla Dalkaas.

Milatariga Suuddan oo La Wareegay Magaalo Istaraatiiji ah oo Ku Taalla Dalkaas.

War cusub oo kasoo baxay taliska ciidamada Suudaan ayaa lagu shaaciyay, in milatariga dawladda Suudaan ay si buuxda ula wareegeen deegaanka muhiimka ah ee Umu Sumayma, oo ku yaalla dhanka galbeed ee magaalada Al-Cubaydah ee dhacda gobolka Waqooyiga Kordufan. Tallaabadan ayaa timid kaddib dagaallo culus oo maalmo ka dhex socday ciidamada dawladda iyo xoogagga mucaaradka ee Taageerada Degdegga ah.

Mubaarak Sulaymaan oo ah madaxa maamulka gobolka Darfur, ayaa si diiran usoo dhaweeyay qabsashada magaaladan, isaga oo ku tilmaamay in Umu Sumayma ay dib ugu soo noqotay gacanta milatariga Suudaan, taas oo muujinaysa in dowladda federaalku u aragto in ay u dhabar adaygtay dagaalka ka socda gobolka.

Baraha bulshada ayaa si weyn loogu baahiyay muuqaallo muujinaya ciidamada isbahaysiga ah ee garab taagan milatariga Suudaan oo gudaha u galay magaalada Umu Sumayma, iyaga oo ku dhawaaqaya halku dhigyo ay ku cabirayaan shucuurkooda, kaddib markii ay halkaas ka saareen maleeshiyaadka RSF.

Hase yeeshee, saacado yar kahor intaan ciidamada milatarigu ku dhawaaqin qabsashada magaalada, afhayeen u hadlay xoogagga RSF ayaa sheegtay, in iyagu ay weli gacanta ku hayaan deegaanka, isla markaana ay ku jiraan xeelado istaraatiji ah oo lagu ballaarinayo joogitaankooda magaalada Umu Sumayma.

Deegaanka Umu Sumayma ayaa loo arkaa inuu yahay meel istaraatiji ah oo muhiim u ah isku xirka ciidamada ku sugan waqooyiga iyo galbeedka dalka. Dagaalka u dhexeeya labadan ciidan ayaa ka socday gobolka Waqooyiga Kordufan muddo laba bilood ku dhow, waxaana marar badan isbeddelay gacan ku haynta magaalooyinka iyo tuulooyinka istiraatijiga ah ee dhaca gobolkaas. Dadka deegaanka iyo hay’adaha sheegta inay u doodaan xuquuqul insaanka ayaa ka digaya khatarta sii kordheysa ee ay colaaddan ku hayso nolosha shacabka iyo amniga guud ee dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.