Wednesday, June 4, 2025
HomeAll NewsMillatariga Suudaan oo Sheegay iney Duqeyn ku Dileen Saraakii Katirsan Maleeshiyaadka RSF.

Millatariga Suudaan oo Sheegay iney Duqeyn ku Dileen Saraakii Katirsan Maleeshiyaadka RSF.

Ciidamada cirka ee milatariga dawladda Suudaan ayaa duqeymo culus ka fuliyay magaalada Nyaala ee gobolka Koonfurta Darfuur, halkaas oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka RSF, Duqeymahan ayaa lala beegsaday saldhigyo ciidan, huteel ay daganaayeen saraakiil sare oo ka tirsan RSF iyo xarun caafimaad.

Warar laga helayo ilo amni iyo dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya, in weeraradaasi ay sababeen khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed, kaas oo gaaray maleeshiyaadka RSF.

Dhinacyada isku haya talada dalka Suudaan oo kala ah ciidamada milatariga iyo xooggaga RSF ayaa marar badan dhulka ay ka kala taliyaan ka gaysta duqaymo laayaan ah, kuwaas oo khasaare baaxad leh gaarsiiya dadka shacabka ah ee aan dagaalka qaybta ka ahayn.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.