Wargays kasoo baxa dalka Faransiiska oo lagu magacaabo Lo-Monda ayaa Sabtidii ina dhaaftay sheegay, in Maraykanka, oo ay weheliyaan adduunka intiisa kale, uu hadda la kulmaayo marxalad taariikhi ah oo weyn oo ku xiran masiirka “awooddiisa jilicsan”, kaas oo muddo dheer asaas u ahaa go’aan qaadashada siyaasadda Maraykanka, gudaha iyo dibaddaba.
Wargeyskan Faransiiska ah ayaa hadalkiisa sii raaciyay, in wax lala yaabo ay tahay, in doodda sii kordheysa ee taagnayd maalmihii la soo dhaafay kuna saabsanayd masiirka awoodda jilicsan ee Mareykanka ay ku soo beegantay geeridii Juwazeef Naayi, kaas oo ahaa khabiirka caalamiga ah ee Maraykanka iyo borofisarka cilmiga siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah, kaas oo geeriyooday 6-dii bishaan Meey, waxa uuna ahaa ninkii soo saaray ereyga “awood jilicsan”, kadibna ka dhigay mid la isticmaala saynis ahaan iyo akaadimad ahaanba.
Waxay sharraxday saxiifaddan, in madaxweynaha Mareykanaka Doonal Taraam uu ka shaqeynayo sidii uu u wiiqi lahaa awooddan jilicsan iyada oo loo marayo habab kala duwan.
Wargayska Lo-Monda ayaa intaa ku datay, in Taraam oo muddo xileedkiisaan danbe 100 maalmood oo kaliya ku fadhiyo kursiga madaxtinimo ee Mareyknaka, uu dhaawac weyn u geystay sumcadda iyo saameynta uu Mareykanka ku leeyahay caalamka. Isagoo wargayska tusaale u soo qaadatay, joojinta hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Maraykanka ee loo soo gaabiyo (USAID), go’aankaas oo soo afjaray barnaamijyadii muhiimka ahaa sida caafimaadka, waxbarashada iyo ururrada bulshada rayidka ah ee ku soo batay caalamka tan iyo 1961-kii.
Sida uu wargeyska tilmaamayo, Taraam ayaa hoos u dhigay saamaynta nidaamka garsoorka, warbaahinta madaxa-bannaan, iyo jaamacadaha caanka ah, kuwaas oo dhammaantood ahaa wasaa’il uu Maraykanku u isticmaali jiray inuu ku faafiyo qaabka dimuqraadiyadda uu isaga doonaya iyo fikradihiisa iyo mafaahiimtiisa gaarka ah.
Waxaa intaa dheer, isagaoo raba inuu wax ka qabto arrimaha socdaalka iyo soo-galootiga, ayuu burburiyay fikradda ah “magaalada dhalaalaysa ee buurta saaran” taas oo loola jeeda qaabka uu Maraykanka usoo jiidan karo soogalootiga meel kasta oo ay joogaan.