Kumanaan dibadbaxayaal ah ayaa galabnimadii shalay isugu soo baxay magaalada Washinton iyo magaalooyinka kale oo ka tirsan dalka Mareykanka, kuwaas oo kasoo horjeeda siyaasadaha madaxweyne Donald Trump ee ku aaddan masaafurinta dadka soo galootiga ah, shaqo ka ceyrinta shaqaalaha dowladda iyo dagaallada Qazza iyo Yukrayn.
Muuqaallo ay warbaahintu soo bandhigtay ayaa muujinayey mudaaharaadayaasha oo taagan bannaanka Aqalka Cad oo sita boorar aan ka xusi karna waxyaalihii ku qornaa “Jooji hubaynta Israa’iil.” Oo ay ula jeedaan maamulka Yahuudda.
Waxayna ruxayeen dibada baxayaashu, astaamaha ay caanka ku yihiin reer Falastiin, sida cimaamada, iyagoo muujinayay sida ay u garab taagan yihiin dadka reer Falastiin ee ay Yahuuddu ku xasuuqayso Marinka Qazza.
Halka qaar ka mid ah dadkaas ay ku qeylinayeen ereyo ay ku taageerayaan dadka soogalootiga ah ee maamulka Trump uu masaafurinayay bilooyinkii lasoo dhaafay ama haddaba uu isku dayayo inuu ka tarxiilo dalkaas, waxayna tibaaxeen, inay garab taagan yihiin shaqaalihii dowladda dhexe ee shaqada laga eryay iyo jaamacadaha dalkaas ee uu Trump ku hanjabayo in uu lacagta ka jaran doona.
Tan iyo markii uu Trump uu la wareegay talada dalkaas, waxa uu shaqada ka ceyriyay, in ka badan 200 oo Kun oo shaqaale dowladeed ah, isgoo isku dayay inuu burburiya dhowr hay’adood.
Maamulkiisa ayaa sidoo kale xiray tobanaan arday ajaanib ah wuxuuna ku hanjabay in uu jarayo maalgelinta dawladda dhexe ee ku aadan jaamacadaha sababo la xiriira kala aragti duwanaanshaha, sida mudaaharaadyada lagu taageerayo Falastiiniyiinta ee ay soo qaban qaabiyaan ardaydaas.