Ciidamada mujaahidiinta ee Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa weerar xooggan ku qaaday fariisin ay ciidamada dawladda Banin ku lahaayeen magaalada Madikla ee gobalka Kandey, waxaana hawlgalkan khasaare lagu gaarsiiyay ciidamadii ku sugnaa saldhiga la weeraray, iyadoo ay mujaahdiintu dagaalkaas kusoo furteen tiro hub ah oo ay ka carareen askartii halkaas lagu weeraray.
Dalka Maali waxaa isna ka dhacay hawgal qarax ah oo ay mujaahidiintu ku beegsadeen gaari ay wateen ciidamada dalkaas, qaraxan ayaana ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Dabajli iyo Nampala, isla dalkaas waxay mujaahdiintu weerar qorshaysan ku qaadeen fariisin ay ciidamada Maali ku lahaayeen deegaanka Diondiori ee gobalka Mobti, waxaana lagu gubay gaari gaashaaman, halka lagusoo furtay saanad ciidan oo ay wateen ciidamada Maali.
Dhanka kale, mujaahidiinta Ansaru Shariicah ee ka hawlgala dalka Yemen ayaa dagaal culus ku qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada Yemen ee uu tababaro Imaradka Carabta, waxaana halkaas ka dhacay dagaal gacmaha laiskula tagay oo laisku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, dagaalkan ayaa ka dhacay halka loo yaqaano isgoyska Qawz ee bariga magaalada Mudiyah, waxaana lagu dhaawacay ciidamo ka tirsan kuwa uu Imaradku tababaray.
Isla dalka Yemen, mujaahidinta Ansaaru Shariicah ayaa fuliyay labo hawlgal oo duqayn ah oo lagu beegsaday ciidamada uu Imaradku tababaro ee ka dagaalama dalka Yemen, duqayntan ayaana loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee doroniska, hawlgalka koowaad ayaana lagu beegsaday xarun ciidan oo ku taalla inta u dhaxaysa Al-qalita iyo isgoyska Al-Qawz, halka duqaynta labaadna lagu bartilmaameedsaday saldhig ku yaalla inta u dhaxaysa Al-qalita iyo Wajar.
Jamacaadka jihaadiga ah ee ka hawgala Yemen iyo wadamada Saaxilka ayaa mudooyinkii dambe laba jibaaray iska hor-imaadyada ay kula jiraan ciidamada dalalkaas, waxayna dileen boqolaal ka tirsan kuwa ay tababareen dawladaha ay taakuleeyaan reer galbeedka iyo Imaradka carabta, kuwaas oo kahoos shaqeeya maamulada maqaarsaarka ah ee ka jira dalalkaas, iyagoo dhibatooyin kala duwan ku haya dadka Muslimiinta ah ee ku hoos nool.