Sida ay baahiyeen warbaahinta qaarkood oo soo xiganayo ilo wareedyo katirsan Maraykanka, waxaa Muqaawamada Filastiin iyo Maamulka Yahuudda ay wada gaareen heshiis xabad joojin ah, kaasoo ka dhaqangalaya Marinka Qazza marka si rasmi ah qalinka loogu duugo heshiiska.
Sida lagu helayo xogta, waxaa qodobada heshiiska kamid ah in xabad joojin muda lixdan maalin ah soconeysa laga hirgeliyo Marinka go’doonsan ee Qazza, labada dhinacna ay maxaabiis is dhaafsadaan.
Xubno ka socda maamulka Yahuudda iyo Muqaawamada Filsastiin ayaa ku sugan magaalada Ad-Dowxa ee caasimadda dalka Qatar, lamana oga waqtiga uu bilaabanayo dhaqan galka heshiiskan aan weli sida rasmiga ah loogu dhawaaqin.