Sunday, June 1, 2025
HomeUncategorizedMustafa Cagjar oo Dafiray Xasuuqii Dacwaley Kuna Goodiyay Caburinta Shacabka.

Mustafa Cagjar oo Dafiray Xasuuqii Dacwaley Kuna Goodiyay Caburinta Shacabka.

Mustafa Cagjar oo ah hogaamiyaha maamulka ay Xabashida Itoobiya ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed, ayaa isagoo bixinayay wareysi dheer waxa uu kaga hadlay xasuuqyada iyo dhibaatooyinka foosha xun ee uu maamulkiisu ku hayo dadka rayidka ah.

Cagjar ayaa gabi ahaanba dafiray dadkii rayidka ahaa ee ay ciidankiisu ku xasuuqeen deegaanka Dacawaley oo katirsan dhulka Soomaali-galbeed, isagoona dadkaasi ku sifeeyay iney ahaayeen maleeshiyaad hubeysan.

Geesta kale waxa uu ku goodiyay iney sii socon doonto caburinta dadka ka hadla dhibaatooyinka uu maamulkaan ku hayo bulshada, waxaana isagoo is burinaya uu mar sheegay iney xitaa qofka uxirayaan haddii uu aragtidiisa dhiibto, isagoo isla xilligaas dafiraya in aysan jirin qof aragtidiisa loo xiray.

Halkaan ka Degso Codka.

 

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.