Tuesday, May 20, 2025
HomeAll NewsMustafa Cagjar oo Sheegay Inuu ku Faraxsan Yahay Xasuuqa ay Ciidankiisu ku...

Mustafa Cagjar oo Sheegay Inuu ku Faraxsan Yahay Xasuuqa ay Ciidankiisu ku Hayaan Bulshada.

Madaxweynaha maamulka ay Dowladda Xabashida Itoobiya ka dhisatay dhulka ay gumeysato ee Soomaali-galbeed, ayaa si jees jees ah waxa uu uga hadlay, xasuuqa iyo tacaddiyada ay ka wadaan dhulkaas.

Mustafa cagmar oo ah hogaamiyaha maamulka ay Xabashidu ka dhisatay Soomaali-galbeed ayaa waxa uu wax iska caadi ah oo mar walba dhaca ka dhigay, dilalka ay ciidankiisu xabsiyada ugu geysanayaan dadka rayidka ah.

Waxa uu dhaleeceyn u jeediyay dadka ka hadla dilalka iyo gaboodfallada xargaha goostay ee ay ciidamada maamulka Xabashida ku daaban ka wadaan dhulka Soomali-galbeed.

Isagoo sii hadlayay ayuu intaasi ku daray, in ay ku faraxsan yihiin leynta iyo tacaddiyada ay ku hayaan dadka rayidka ah, wuxuuna geesta kale qiray in ciidamada Bolisku ay dhawaan dileen wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Shaafici.

Hadalka kasoo yeeray Mustafa Cagjar oo ah Madaxweynaha maamulka ay Xabashidu ka dhisataay dhulka Soomaali-galbeed ayaa muujinaya, sida ay maamulkaan uga go’antahay xasuuqa dadka Soomaaaliyeed ee ku nool dhulkaas, arrinkaas oo ay u wakiishatay Dowladda Xabashida Itoobiya oo si muuqata iyo si dadbanba ula dagaallameyso dadka Soomaalida ah.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.