Saturday, May 3, 2025
HomeAll NewsMuwaadiniin Udhashay Kuuriyada Koonfureed oo Afduub Ahaan Loogu Heysto Soomaaliya oo Hadlay.

Muwaadiniin Udhashay Kuuriyada Koonfureed oo Afduub Ahaan Loogu Heysto Soomaaliya oo Hadlay.

Muuqaal saacadihii lasoo dhaafay lagu baahiyay baraha Internetka ayaa waxaa kasoo muuqday 2 muwaadin uu udhashay dalka Kuuriyada Koonfureed, kuwaas oo muddo 9 bilood ah afduub ahaan loogu heysto dalka Soomaaliya.

Dadkaan oo kala ah nin lagu magacaabo Ii en iyo haweeney la yiraahdo Jan Miso, ayaa waxaa bishii Agoosto ee sanadkii 2024 laga soo qafaashay dalka Kenya xilli ay faafinayeen diinta Kirishtanka, muuqaalka laga soo duubay ayayna ku direen farriimo ay ku muujinayaan in ay ku sugan yihiin xaalad halis ah.

Waxa ay sheegeen iney ahaayeen dad Kirishtan ah oo ka shaqeynayay mid kamid ah hey’adaha Reer-galbeedka ee ka howlgala Kenya, iyagoona intaa ku daray in hadda ay dareemayaan cabsi xooggan, ayna ka walaacsan yihiin badqabka noloshooda.

Dowladda Kuuriyada Koonfureed iyo shacabka dalkaas ayay ka codsadeen iney ka caawiyaan sidii looga sii deyn lahaa gacanta ay ku jiraan, maalin kasta oo dhamaatana ay soo dadajineyso geeridooda.

Dhawaan ayaya aheyd markii sidaan oo kale muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ay kasoo muuqatay haweeney u dhalatay dalka Jarmalka oo sheegtay in afduub loogu heysto Soomaaliya, iyadoo ka deyrisay xaaladda amaan ee Soomaaliya, dalbateyna in laga shaqeeyo sidii looga sii deyn lahaa gacanta ay ku jirto.

Halkaan ka Degso Warka Maxaabiista

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.