Maxamad Xamdaan Doqlo oo ah hogaamiyaha kooxda Ad-Dacmu As-Sariic ee dagaalka kula jirta ciidanka dowladda Suudaan, ayaa qirtay, in khasaare uu kasoo gaarya dagaallada ay ka wadaan wadankaasi, islamrkaana ciidanka Millaterigu ka qabsadeen magaalooyin ay kolkii hore gacanta ku hayeen.
Khalimad umuuqatay mid niyadda loogu dhisayo malleeshiyada diisa ayuu jeediyay wuxuu ku yiri, ‘’ waxaa waajib ah inaadan fiirinina waxa uu ciidanku naga qaatay oo ah xarunta hogaanka ciidanka ee ku yaalla bartamaha Kharduum, Silaax Al-Ishaarah Kharduum Baxri, magaalada Al-Jiili, iyo magaalada Wud Madani’’.
Hogaamiyaha Millateriga Suudaan Cabdul-Fattaax ayuu ugu hanjabay inuu gacanta kusoo dhigi doono, sida uu hadalkiisa udhigay.
Xamiiti ayaa geed fadhii u ah gumaadka ay dalka Suudaan ka wadaan malleeshiyada loo carbiyay daadinta dhiigga shacabka dalkaasi, wuxuu indhaha ka daawanaya falalka gurracan ee ay ku kacayaan.