Saacadihii ugu horreeyay ee aroornimadii Jimcaha, diyaaradaha dagaalka ee F-15, F-16 iyo F-35 ee uu leeyahay maamulka Yahuudda ayaa kasoo gudbay xuduudda juquraafiyadeed ee dalka Iiraan, iyagoona kasoo tallaabay dhammaaan qadka cas, bambaanooyinna ku garaacay dhulka ay maamusho Iiraan.
Haddaba su’aalo badan ayaa la iska weydiinayaa nuuca hubka uu maamulka Yahuudda u adeegsaday weerarkaas, kaas oo ahaa mid lama filaan ah balse Yahuuddu ay horay usii qorsheysay, islamarkaana ay ku dishay hogaamiyayaal sarsare oo katirsan xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan.