“ Imaaraatka Carabta, Ableyda Reer-galbeedka” wuxuu ahaa barnaamij soo gudbinayay hab dhaqanka gurracan ee Islaam naceybka ku dhisan ee ay ku caan baxday dowladan yar ee dhacda Mandiqadda Khaliijka, taasoo kheyraadka Muslimiinta ee Batroolka u adeegsaneysa shidaal lagu huriyo colaadaha ka dhanka ah Muslimiinta.
Sodonkii sano ee lasoo dhaafay, majiro dal kamid ah wadamada Islaamka oo aaney si dadban iyo si toosba Imaaraatku qeyb uga qaadan dhibaateynta dadka halkaas ku nool, haba ugu darnaate wadamada marti geliyay kacdoonno Jihaadi ah iyo kuwa shacbi ah oo looga soo horjeedo xukaamta talada heysa.
Halkan kala deg- Warbixin- Muxuu Daarnaa Barnaamijka Imaaraatka Carabta