Dowladda Fedaraalka oo xilligan wajaheysa mucaaraddo adag oo ka dhan ah, ayaa waxaa soo badanaya xubnaha ku diidan hanaanka siyaasadeed ee ay wax uwaddo.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo ay joogaan inta ugu badan mucaaradka Dowladda Fedaraalka, ayaa waxaa ka soconaya hub-uruursi ka dhan ah xukuumadda Villa Soomaaliya, iyaddoo ku dhici la’ iney si toos ah uweerarto goobaha ay joogaan.
Xubnaha ugu waawayn mucaaradka ayaa shirar isdabajooga ah ku yeelanaya Xamar, iyagoo si cad usheegaya ineysan Xasan ka ogaalneyn wax uu wado.
Hadaba tallaabada hub-uruursiga ee mucaaradka iney xilligan oo ay Xasan Sheekh uhartay muddo ka yar hal sano kusoo aaddo maxay ka dhigan tahay.?