Wednesday, June 18, 2025
HomeAll NewsMuxuu Yahay Mustaqbalka Ciidanka Shisheeye ee Mandiqadda Loogu Yeero Bariga Dhexe?

Muxuu Yahay Mustaqbalka Ciidanka Shisheeye ee Mandiqadda Loogu Yeero Bariga Dhexe?[WARBIXIN]

Iyada oo ay sii kordhayaan xiisadaha gobolka, gaar ahaan kuwa u dhexeeya Iiraan iyo Yahuudda, ayaa dalka Ciraaq waxaa soo food saartay caqabado adag oo la xiriira mustaqbalka joogitaanka ciidamada isbahaysiga caalamiga ah ee ku sugan dalkaas.

Qaar kamida aqoonyahanada dalka Ciraaq ayaa aaminsan in la gaaray xilligii ay ciidamadan ka bixi lahaayeen dalka, maadaama ay kor ukacday awoodda ciidamada, hase yeeshee xaaladda cusub ee Jiyoo-siyaasadeed ee gobolka ayaa ku riixaysa qaar badan oo go’aankaasi taageerayey inay dib uga fiirsadaan waqtiga bixitaanka iyo cawaaqibta amni ee ka dhalan karta.

La-taliyaha xukuumadda Ciraaq, Caa’id Hilaal ayaa sheegay, in Ciraaq ay si weyn uga walaacsan tahay xaaladaha isbedbedelaya ee gobolka, isaga oo xusay in dalku uu xoogga saarayo sidii uu u ilaalin lahaa xasilloonidiisa iyo amnigiisa gudaha. Wuxuuna intaas ku daray in wadahadallada lala leeyahay Mareykanka ee ku saabsan mustaqbalka joogitaanka ciidamada militari ee ku sugan gudaha Ciraaq uu yahay mid wali socda oo aan laga sal gaarin.

Hilaal ayaa wareysi uu siiyey warbaahinta ku sheegay, in ciidamada Ciraaq haatan ay gaareen heer diyaar-garow kii ugu sareeyay, isla markaana ay haystaan awood ciidan oo ku filan, isaga oo carrabka ku adkeeyay in ciidamadaasi aysan baahi u qabin joogitaanka ciidamo shisheeye, ayna diyaar u yihiin inay si buuxda ula wareegaan amniga dalka.

Wuxuu sidoo kale sheegay, in qorshaha la dejiyay uu dhigayo in ciidamada Mareykanka ay ka baxaan Ciraaq dhammaadka sanadka 2025-ka, iyadoo suuragal ay tahay in ay si dhamaystiran u baxaan marka la gaaro sanadka 2026-ka. Wuxuuna intaas ku daray in ciidamada Mareykanka ee ka baxaya dalka Suuriya laga yaabo inay ku ururaan magaalada Irbiil, iyaga oo aan si toos ah uga qeyb qaadan doonin howlgalada milatari ee ka socda gudaha dalkaas.

Si kastaba ha ahaatee, Hilaal wuxuu isdul taag ku sameeyay xiisadda khatarta ah ee sii kordheysa ee u dhaxeysa Tehraan iyo Talla-abiib, taas oo keentay in si taxaddar leh dib loogu eego arrinta la xiriirta bixitaanka ciidamada Mareykanka, si looga fogaado in firaaqa amni ee ka dhasha arintaas ay ka faa’iideysan karaan waxa uu ugu yeeray kooxaha argagixisada.

Dhanka kale, Hilaal wuxuu tilmaamay in Ciraaq ay hadda xiriir diblomaasi oo qoto dheer la yeelanayso wadamo badan oo reer galbeed ah marka ay timaaddo xiriirrada caalamiga ah, isaga oo arintan ku macneeyey in madaxda saree e dalka ay doonayaan in ay albaabada u furaan iskaashi istiraatijiyadeed oo ay la yeeshaan dalal dhawr ah oo ay kamid yihiin Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Isbayn, Holland iyo Talyaaniga.

Wuxuu sidoo kale xaqiijiyay, in Ciraaq ay doonayso inay la saxiixato heshiisyo laba geesood ah dalalkaas, kuwaas oo ku saabsan dhinacyada amniga, warshadaha, ganacsiga iyo dhaqaalaha, si ay uga faa’iideysato danaheeda istaraatiijiyadeed ee kaga xiran dalalkaas una xoojiso awoodaheeda gudaha.

Halkaan ka Degso Warbixinta Ciidamada Shisheeye

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.