Saturday, July 5, 2025
HomeAll NewsMuxuu Yahay Walwalka ay Wajahayaan Marinnada Muhiimka u ah Dhaqaalaha Caalamka?

Muxuu Yahay Walwalka ay Wajahayaan Marinnada Muhiimka u ah Dhaqaalaha Caalamka? [WARBIXIN]

Dagaalkii dhawaan ka dhex qarxay Yahuudda iyo Iiraan ayaa dib usoo nooleeyay xaqiiqada jiyooganacsi ee caalamka, taas oo ah in dhowr kiiloomitir oo biyo ah ay ku filan yihiin inay gilgilaan dhaqaalaha caalamka. Suuqyada batroolkana waxaa hareeyay cabsi dhab ah oo laga qabo in Iiraan ay xirto marin-biyoodka Hormuz, taas oo si weyn u saameyn karta sahayda tamarta dunida.

Majalladda Faransiiska ah ee Luubawaan, oo daabacday maqaal uu qoray Shaarl Sarfaati, ayaa sheegtay in Iiraan ay si joogto ah ugu hanjabayso xiridda marin-biyoodka Hormuz oo uu maro boqolkiiba 20% shidaalka caalamka, balse khubaradu waxay sheegayaan in ay Tehraan ku khasban tahay inay wax ka barato dhibaatadii caalamka lasoo daristay kaddib xiritaanka Kanaalka Suweys.

Wargeysku wuxuu xusay in 20 Milyan oo foosto oo shidaal ah ay maalintii maraan marin-biyoodka Hormuz, taasoo u dhiganta shan meelood meel isticmaalka shidaalka dunida. Qiimaha batroolka ayaa kor u kacay in ka badan boqolkiiba 10%, kaddib markii la faafiyay warar sheegaya in gobalka uu marti galin karo dagaal culus, iyada oo Iiraan ay dhankeeda ku hanjabtay inay xiri doonto marinka Hurmuz oo uu ballaciisu yahay 50 kiiloomitir.

Inkastoo khubaro qaar ay shaki geliyeen awoodda ay ciidamada Iiraan u leeyihiin inay gabi ahaanba xiraan marin-biyoodka Hormuz, iyada oo ay Xuutiyiinta Yemen — oo aad uga hub yar Iiraan — ay usuurtagashay inay si weyn u carqaladeeyaan marinka Badda Cas, ayaa waxaa soo baxaya surtagalnimada in Iiraan ay si dhab ah awood ugu leedahay inay xanibi karto dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz.

Marinka Hormuz ayaa ah marin istaraatiiji ah oo laga dhoofiyo shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee lagasoo saaro dalalka Khaliijka carabta, in kasta oo Sacuudigu leeyahay dhuun shidaal oo isku xirta Khaliijka iyo Badda Cas, haddana dekedaha ku yaalla galbeedka dalkaas ayaa ah kuwo aan loo naqshadayn inay qaadaan xadi wayn oo shiidaal ah. Sidaas darteed, haddii la xiro marin-biyoodka Hormuz, waxaa dunida ka go’i kara ku dhawaad boqolkiiba 20% shidaalka laga isticmaalo, xitaa haddii la howlgeliyo ceelasha shidaalka Mareykanka.

Majaladda Faransiiska ee Luubawan ayaa xustay, xiritaankii Masar ee kanaalka Suweys muddo sagaal sano ah, kadib dagaalkii sandkii 1967-ki, taas oo qayb ka ahayd iska hor imaadka ay kala kulantay Yahuudda iyo cadaadiska waxa loogu yeero beesha caalamka. In kasta oo la filayey, in arrintani ay keento dhul-gariir ku yimaada suuqyada caalamka, haddana la yaabku waxa uu ahaa, in qiimihii foostada uu kor u kacay boqolkiiba 2% oo keliya, sababo la xiriira saliidda oo ahayd mid qiima ahaan jaban.

Halkaan ka Degso Warbixinta Marinada Muhiimka ah

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.