Saturday, June 28, 2025
HomeAll NewsMuxuu Yahay Xabsiga Yaxaaska ee uu Mareykanku ku Xareeyo Dadka Soo Galootiga...

Muxuu Yahay Xabsiga Yaxaaska ee uu Mareykanku ku Xareeyo Dadka Soo Galootiga ah?[WARBIXIN]

Toddobaad gudihiis, hindise muran badandhaliyay oo ku saabsanaa dhismaha xarun lagu xiro dadka Soogalootiga ah ayaa si degdeg ah loogu baaqay in laga sameeyo dalka Mareykanka, kaas oo u gudbay marxalad dhab ah oo fulineed, kaddib markii dowladda Mareykanka ay oggolaansho rasmi ah siisay in xaruntaasi laga hirgeliyo meel u dhow garoon diyaaradeed oo ku yaalla gudaha beer looyaqaano Ifra-galaadis ee gobolka Foloriida.

Sida uu qoray mareegta wararka ee Aksiyuus ayaa lagu sheegay, in hirgalinta xaruntan ay tahay mid si weyn u saameyn doonto dadka deegaanka, maadaama beerta Ifra-galaadis ee la qorsheeyay in laga dhiso ay tahay meel si gaar ah muhiim ugu ah nidaamka deegaanka ee gobolka Foloriida, loona baahan yahay in si taxadar leh loo ilaaliyo.

Wargeyska Miyaami Hiiraald ayaa daaha ka qaaday in mashruucaasi uu sanad walba maamulka gobalka Foloriida ku bixin doono qiyaastii $450 Milyan oo Doollar, halka mareegta Aksiyuus ay ku tilmaantay inuu yahay tusaale cusub oo muujinaya sida madaxda gobolka Foloriida ay si buuxda uga dambeeyaan qorshaha uu la yimi Doonal Taraam, gaar ahaan ololihiisa ka dhanka ah dadka Soogalootiga ah.

Warbixin ay baahisay warbaahin caalami ah, iyada oo soo xiganaysa wargeyska Miyaami Hiiraald, ayaa sheegtay, in maalinimadii Isniinta ee la soo dhaafay lagu arkay goobta la qorsheeyay in xarunta laga dhiso —taas oo ay leedahay degmada Miyaami-Diid— gaadiid waaweyn iyo matoorro koronto, taas oo muujinaysa in dhaqangelinta mashruuca si dhab ah loo bilaabay.

Wasiiradda amniga gudaha ee Mareykanka haweenayda lagu magacaabo Kariistii Nawiim, ayaa warbaahinta u xaqiijisay in dowladda Maraykanku ay maalgelin doonto qorshaha gobolka Foloriida ee ku saabsan dhismaha xarunta lagu xirayo dadka Soogalootiga ah, taas oo mas’uuliyiinta maxalliga ah ay ugu yeereen magaca Korokodhayl Kaataraaz oo loola jeedo Yaxaaska Kaataraaz, iyada oo la isbarbardhigayo xarunta cusub iyo xabsiga caanka ah ee  Kaataraaz.

Saxafiyada lagu magacaabo Suumar Baruughaal oo ka tirsan mareegta Aksiyoos ayaa warbixin ay qortay ku xustay hadal uu jeediyay xeer Ilaaliyaha guud ee gobalka Foloriida, ninka lagu magacaabo Jeemis Uuthmaayar, kaas oo sheegay in xarunta cusub ee Soogalootiga loo dhisayo lagu wado inay yeelato illaa 5 Kun oo sariirood, taas oo diyaar noqon doonta toddobaadka ugu horreeya ee bisha Luuliyo.

Xeerka u dagsan gobalka Faloriida  ee waddanka Mareykanka ayaa siinayaa guddoomiyaha xaq uu ku qabsan karo hantida gaarka loo leeyahay una u isticmaali karo  hawlo guud haddii looga baahdo xaalado gaar ah.

Halkaam ka Degso Warbixinta Xabsiga

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.