Friday, June 13, 2025
HomeAll NewsNabadoon Cabdullaahi Cali Caraaye oo ka Warbixiyay Xaaladda Guud ee Masaajid Cali...

Nabadoon Cabdullaahi Cali Caraaye oo ka Warbixiyay Xaaladda Guud ee Masaajid Cali Gaduud.

Iyadoo muddo ku dhaw 3 bilood laga joogo markii ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab dagaal kula wareegeen degmada Towfiiq ama Masaajid Cali Gaduud ee gobalka Sh-dhexe, ayaa waxaa xaaladda guud ee magaaladaas ka warbixiyay nabdoonka guud ee beesha Warsangali-Abgaal Nabadoon Cabdullaahi Cali Caraaye.

Nabadoonka oo ka hadlayay dhibaatooyinkii ay ciidamada Dowladda Fedaraalka ku hayeen magaalada ayaa waxa uu shaaca ka qaaday, in ay dadka shacabka ah siin jireen raashin dhacay, sidoo kalana ay geysan jireen dhibaatooyin kala duwan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in bulshada ku dhaqan deegaannadaas ee kasoo jeeda beesha Mudullood ay si diirran usoo dhaweeyeen ku dhaqanka Shareecada Islaamka, isagoona baaq udiray ciidamada Dowladda Fedaraalka.

Halkaan ka Degso Warka Nabadoonka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.