Friday, May 9, 2025
HomeAll NewsNetanyahu oo ku Goodiyay Inuu sii Wadi Doono Duqeymaha ay ka Fulinayaan...

Netanyahu oo ku Goodiyay Inuu sii Wadi Doono Duqeymaha ay ka Fulinayaan Yeman.

Ra’iisul wasaaraha Yahuudda ninka lagu magacaabo Binyamiin Netanyahu ayaa wacad ku maray, in uu sii wadi doona weerarrada ka dhanka Yaman, kadib markii Mareykanka iyo kooxda Xuutiyiinta ay gaareen heshiis xabad joojin ah oo ay garwadeen ka ahayd Saldanada Cumaan, kaasoo uusan ku jirin kayyaanka Yahuudda.

Netanyahu ayaa muuqaal uu iska soo duubay uuna soo dhigay bartiisa “X” ku yiri “Weerarro badan ayaan ka geysan doonnaa Yaman, xitaa haddii saaxiibadeena Mareykanka aysan nagu soo biirin”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Israa’iil way is difaaci doontaa, Yaman iyo meelo kale oo aad u fogba ha ahaatee”. Wuxuu intaas ku daray, “Haddii saaxiibadanada Mareykanka nagu soo biiraan, taasi way fiicnaan lahayd, balse haddii aysan sidaas samaynin, waxaan isku difaaci doonnaa awoodeena.” Ayuu raaciyay Ray’sul wasaaraha Yahuudda oo u muuqday mid naawilaya inuu Mareykanka mar labaad did u bilaabo duullaanka ka dhanka kooxda Xuuthiyiinta ee Yaman.

Tan iyo bartamihii bishii Maarso ee lasoo dhaafay waxaa uu Mareykanka dalka Yaman ka fuliyay, in ka badan 1,300 oo sugu jira hawlgallo xagga cirka ah iyo duqeymo dhanka badda ah, kuwaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca boqolaal qof oo rayid ah, sida ay sheegtay kooxda Xuutiyiinta.

Mareykanka iyo Xuutiyiinta ayaana dhawaan shaaciyay, inay gaareen Heshiis lagusoo afjarayo Weeraradii ay Isdhaafsanayeen labada dhinac, balse Yahuudda oo dhawaan dharbaaxooyin xooggan kala kulantay dhanka Xuutiyiinta ayay arintaasi u cuntami waysay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.