Thursday, June 5, 2025
HomeUncategorizedNigeria oo Duqeyn ay ka Geysatay Woqooyiga Dalkaas ku Xasuuqday Dad Rayid...

Nigeria oo Duqeyn ay ka Geysatay Woqooyiga Dalkaas ku Xasuuqday Dad Rayid ah.

Waxaa lagu soo waramayaa, in ugu yaraan 20 qof oo rayid ay ku geeriyoodeen weerar xagga cirka ah oo ay ciidamada Nayjeeriya ka fuliyeen gobal lagu magacaabo Zamafara oo dhaca waqooyi-galbeed ee dalkaas, sida ay saxaafadda la wadaageen dadka deegaanka ee gobalkaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegay, in duqeyntu ay Axadii ka dhacday tuulooyin lagu magacaabo Maaraaya iyo Waabii oo ka tirsan gobolka Zamafara, halkaas oo ah goob ay ka dhaceen weerarro ay fulinayeen burcad hubaysan, oo dhac ka geysta gobolka waqooyi-galbeed ee Nayjeeriya .

Kooxaha sheegta inay, u doodaan xuquuqul insaanka ayaa ugu baaqday mas’uuliyiinta dalkaas inay baaraan dhacdadan, balse milatariga iyo ciidamada cirka ee Nayjeeriya midkoodna kama jawaabin baaqaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.