Waxaa saldhig ku yaalla mid kamid ah degmooyinka ku yaalla magaalada Muqdisho laga helay meydka nin lagu dhex dilay gudaha saldhigga.
Ninkaan oo ay maalin kahor xireen ciidamada Dowladda Fedaraalka kuna eedeeyeen inuu saacad xaday ayaa waxaa lagu dhex dilay saldhigaan oo ku yaalla xaafadda Gubadley oo katirsan degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Hooyada dhashay ninka la dilay ayaa kahor inta aan geeridiisa loosheegin waxa ay sheegtay, in laga dalbaday lacag dhan 70$, waxaana intii ay lacagtaasi ku maqneed lagu soo wargaliyay in ay meydka wiilkeeda soo doonayo, waana tan iyadoo ka waramaya qaabka uu dilka udhacay.