Maleeshiyaad hubeysan ayaa nin xoola dhaqata ah ku dilay halka ay iska galaan dhulka Soomaali-galbeed ee ay Itoobiya ugumeysato iyo gobalka Mudug.
Gobalka Mudug waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay kusoo badanayay dilalka salka ku haya aanooyinka qabiil ee ay geysanayaan maleeshiyo beeleedyada ku dagaallamaya gobalkaas.
Wararka laga helayo halka ay iska galaan dhulka Soomaali-galbeed ee ay Itoobiya ugumeysato iyo gobalka Mudug, ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay halkaasi ku dileen nin xoolo dhaqato ah.
Dilka ninka la dilay ayaa yimid kadib markii uu muran soo kala dhexgalay isaga iyo maleeshiyaadka hubeysan, waxaana intaas kadib ay dableydu horay usii ka xeysteen xoolihii uu lahaa ninka ay dileen.