Friday, April 18, 2025
HomeAll NewsNusratul Islaam Wal Muslimiin oo Askar ku Dishay Weerar ka Dhacay Burkinafaso.

Nusratul Islaam Wal Muslimiin oo Askar ku Dishay Weerar ka Dhacay Burkinafaso.

Jamacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa fulisay weeraro laayaana, kuwaas oo lagu boqno-gooyay askar iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dawladda Burkina Faso, hawlagaladan ayaa ka kala dhacay Labo xarumood oo ay ciidamada dalkiisi ku lahaayeen gobalada Fadanqarooma iyo Kolbelogo.

Weerarkan ayay ciidamada Mujaahidiinta Nustarul Islaam ku dileen 7 askari oo katirsanaa kuwa Burkiina-faso, waxayna sidoo kale mujaahidiintu dagaalkaas kusoo qaniimaysteen qori RBG ah iyo Sadex qori oo AK-47 ah.

Dhanka kale, mu’asasada Al-Zalaaqah ee ah garabka warbaahineed ee Jamacada Nusratu Islaam Wal-muslimiin ayaa baahisay kalmad uu jeediyay mas’uul sare oo ka tirsan jamaacada, isaga oo umadda Muslimiinta gaar ahaan mujaahdiinta Burkisan-Faso ugu hambalyeeyay guushii wayneed ee ay kasoo hooyeen duulaankii barakaysna ee cagta lagu mariyay saldhigii ciidamada Burkina-Faso ee Jafga oo ku yaalla gobalka Fadanqarooma, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan 100 askari.

Sheekh Abuu Muxamed Al-Ansari oo jeediyay kalmadan ayaa sheegay, in weerarkan uu aar-gud u ahaa xasuuqii Zolonso ee ay fuliyeen ciidamada dalkaas, wuxuuna carabka ku adkeeyay in hawlgalkan uu yahay bilowga mawjado weerarro ah oo loogu hiilinayo umadda muslimiinta ah ee ay dhibka u gaysteen ciidamada Burkina-faso.

Jamacada Nusratul Islaam ayaa mudooyinkii dambe xoojisay weerarada ay ku laynayso ciidamada calooshood u shaqaysayaasha ah ee dawladaha saaxilka, iyagoo ku talaabsaday guulo iyo futuuxaad waawayn bishii barakaysnayd ee Ramadaan oo ku suntan bil jihaad iyo halgan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.