Ciidamada dalalka Saaxilka Afrika ayaa wajahaya duulaano daran daari ah oo ay fulinayaan ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin, kuwaas oo ka hawgala inta badan dalalka ku midaysan isbahaysiga Saaxilka. Jihaadiyiinta ayaana shalay Talaadadii weerar culus ku ekeeyay inka badan Toban fariisin oo ay ku sugnaayeen askarta dalalka Maali iyo Burkiina-Faaso, sida ay dad goob-joogayaal ah usoo tabiyeen warbaahino calami ah.
Hadaan ku bilowno hawgalada ka dhacay Dalka Burkiina-Faaso, waxay jihaadiyiintu weerar culus ku qaadeen bar ciidan oo ay ku xooganaayeen askarta xukumada Wagaduugu, taas oo ay ku lahaayeen deegaanka Naalaamba oo ka tirsan gobalka Faadangoorma. Weerarkan ayaa lagu dilay illaa lix askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda. Jihaadiyiinta ayaana goobta kula wareegay laba qori oo daba-jeexyo ah, siddeed qori oo nooca Ak-47-ka ah iyo agabyo kale oo milatari.
Dhanka kale, ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa weerarro culus oo si isku xiran loo fuliyay ku qaaday saddex saldhig oo ay ku sugnaayeen boqolaal ciidamo ah iyo tobaneeyo kontarool oo ay ku xooganaayeen milatariga dowladda Maali, kuwaas oo ku kala yaallay magaalooyinka kala ah Naynu, Dhiblu, Saandari, Ghoogoy, Kaabis iyo Nibuuro. Waxaana intaa dheer in ay duqeyn culus oo madaafiic ah jihaadiyiintu ku garaaceen xero ciidan oo ay milatariga dalkaas ku lahaayee magaalada Mooloodo.
War rasmi ah oo kasoo baxay dawladda Maali ayaa lagu xaqiijiyay weerarkan, iyada oo aysan dawladdu wax faahfaahin ah ka bixin khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed ee gaaray ciidamadeeda, hase ahaatee warar laga helayo dad-goobjoogayaal ahaa ayaa ku waramaya, in ciidamada mujaahidiintu ay si buuxda ula wareegeen dhammaan goobihii la weeraray, taas oo muujinaysa jabka culus ee gaaray ciidamada dowladda Maali, kuwaas oo isaga baxay xarumo hor leh oo ay ku sugnaayeen, sababa la xiriira cabsi ay ka qabaan weerarro kale oo rogaal celis ah oo ay kala kulmaan jihaadiyiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin.
Dhanka magaalada Naynu oo ka tirsan gobolka Sighu ee dalka Maali, waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu weerar xooggan ku qaadeen xero ciidan iyo dhowr kontarool oo ay ku sugnaayeen askarta dalkaas. Weerarkan oo isna dhacay shalay Talaadadii ayaa lagu dilay ugu yaraan 10 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Maali. Waxaana la xaqiijiyay in Jihaadiyiintu ay gacanta ku dhigeen saddex gaari oo ahaa nooca dagaal-ka, labo qori oo nooca dhishiikaha ah iyo ku dhawaad 30 qori oo iskugu jira Daba-jeexyo iyo Ak-47.
Waxaa intaas dheer oo ay ciidamada mujaahidiintu dab qabadsiiyeen illaa 10 gaari iyo 10 mooto oo ay ciidamada dowladdu lahaayeen. Weerarkan ka dhacay xarumaha milatari ee daadsan lagasoo bilaabo bariga illaa galbeedka dalka Maali ayaa dharbaaxo culus ku noqday ciidamada dawladda, kuwaas oo horay ula daalaa dhacayay hawgaladii waawaynee ee ay jihaadiyiintu fulinayeen dabayaaqada sanadkii ina dhaafay ee 1446 Hijri.