Wednesday, May 14, 2025
HomeAll NewsNusratul Islaam Wal-Muslimiin oo Dishay 60 Askari oo ka Tirsan Ciidamada Burkiina-Faaso.

Nusratul Islaam Wal-Muslimiin oo Dishay 60 Askari oo ka Tirsan Ciidamada Burkiina-Faaso.

Dagaallo xooggan ayaa lagasoo sheegayaa in ay ka dhaceen Burkiina-Faaso oo horay u wajahaysay duulaano daran-doori ah oo ay fulinayeen ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin, dagaaladan ayaa dhabar jab baaxad leh u gaystay ciidamada dalkaas, waxaana lasoo tabinayaa in ay askarta Burkiina-Faaso gaysteen xasuuqyo wuxuushnimo ah oo ay kula kaceen dadka abriyada ah ee aan dagaalka qaybta ka ahayn, halkaas oo ay ka dileen in kabadan boqolaal qof maalmihii u dambeeyay.

Weerar culus ayaa shalay Talaadadii lala beegsada bar ciidan oo ay ku xooganayeen askarta Burkiina-Faaso, halkaas oo khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyay ciidamadii ku sugnaa, hawgalkan ayaa ka dhacay xarunta ciidamada ee magaalada Sooli ee qaybta ka ah gobalka Looruum.

Hawgalkan oo ay fuliyeen jihaadiyiinta ka dhaqdhaqaaqa galbeedka Afrika ayaa lagu dilay illaa 60 askari oo ay ku jiraan saraakiishii ugu saraysay ee hogaaminaysay ciidamadan, waxaana mujaahidiinta u suuragashay inay gabi ahaanba la wareegaan saanadii ciidan ee ay ku qalabaysnaayeen.

Mu’assasada Az-Zallaaqah ayaa baahisay sawirada hubkii lagusoo furtay dagaalkaas, waxaana kamid ahaa baabuur ciidan oo aan tiradooda la sheegin, in kabadan 80 hoobiye, 2 dhishiike, ku dhawaad 80 qori oo iskugu jira RBG, dabajeexyo iyo qoryaha Ak-47-ka, waxaa sidoo kale qayb ka ahaa saanada lagula wareegay dagaalkaas 12 mooto oo nooca laba lugooda ah.

Isla mu’assasada Az-Zallaaqah ayaa shalay galinkii dambe baahisay kalmad maqal iyo muuqaal ah oo uu jeediyay mid kamida umarada jihaadka ee ka hawlgalada wadamada saaxilka Afrika, Qaa’idkan oo lagu magacaabo Aways Al-Ansaari ayaa umadda musliinta ugu tahniyeeyay guushii balaarnayd ee ay ciidamada mujaahidiintu kula wareegeen magaalada Jiiboo ee ka tirsan gobalka Suum.

Hogaamiyahan ayaa dhanka kale ugu baaqay dadka shacabka ah, in ay ka fogaadaan xarumaha ay dagan yihiin askarta Burkiina-Faaso, isaga oo sidoo kale askarta dalkaas ugu baaqay inay guran doonaan miraha qaraar ee ay ka dhaxleen gabood fallada xanuunka badan ee ay ku hayeen dadka abriyada ah ee ku dhaqan dhulka ay xoogga ku haystaan.

Dhanka kale, Shacabka dalka Burkiina-Faaso ayaa wajahaya xaalad bini’aadantinimo oo aad u cakiran, iyadoo la sheegayo, in ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka taageersan ay geysteen xasuuqyo lagu bartilmaameedsaday dadka laga tirada badan yahay, gaar ahaan qowmiyadda Fulaani. Warbixin cusub oo kasoo baxday waxa loogu yeero hay’adda Yuman Rayt-woojis ayaa shaaca ka qaaday, tacadiyo balaaran oo muujinaya gabood gal culus oo ka dhacay magaalooyin ka mid ah dalkaas.

Warbixinta hay’addan ayaa muujisay in xasuuqyo ka dhacay deegaanka Solenzo ee galbeedka dalkaas lagu dilay in ka badan 100 qof oo u badnaa dad ka tirsan qowmiyadda Fulaani. Tacaddiyadaas ayaa la sheegay, in loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn iyo helikobtaro, taas oo muujinaysa in xasuuqan uu yimi, kaddib markii saraakiil sare oo katirsan ciidamada ay si bareer ah amarr ugu bixiyeen falalka lagu laayay dadkaas.

Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya xubno ka tirsan maleeshiyaad hubaysan ee taageera ciidamada dalkaas, oo ku dhawaaqaya hanjabaado lid ku ah qabaa’ilka muslimka ah ee ku dhaqan Burkiina-Faaso, iyagoo soo bandhigay maydadka qaar kamida dadka ay laayeen.

Falalkan guracan ee ay ciidamada dalkaas kula kacayaan dadka shacabka ah ayaa imaanaya, iyada oo bilihii u dambeeyay ay jihaadiyiintu dardar galiyeen hawgallada ay ka fulinayaan xarumaha iyo saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidamada dalkaas, taas oo ku kaliftay inay gabood fallo baahsan kala dul dhacaan dadka abriyada ah ee ku hoos nool, iyaga oo u tiirinaya inay qayb ka yihiin ama taageeraan halganka jihaad ee ay hurinayaan ciidamada mujaahidiinta ee Jamacaada Nusratul Islaam Wal-Musliniim.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.