Thursday, June 26, 2025
HomeAll NewsNusratul Islaam Wal-Muslimiin oo Dishay in ka Badan 20 Askari ku Dishay...

Nusratul Islaam Wal-Muslimiin oo Dishay in ka Badan 20 Askari ku Dishay Mali iyo Burkina-Faso.

Wararka nagasoo gaaraya wadamada galbeedka Afrika ayaa ku waramaya, in ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ay fuliyeen weerarro culus oo lagu dhiig bixiyay ciidamada dalalkaas, kuwaas oo si isdaba joog ah mudooyinkan uga dhacayay inta badan mandiqada Saaxilka, gaar ahaan dalalka Burkiina-Faaso iyo Maali.

Weeraradan oo intooda badan ay dhaceen labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa lagu dilay in kabadan Laabatan askari, halka sidoo kale lagu qabtay maxaabiis dagaal lagulana wareegay saanad ciidan oo aad u badan, sida ay sheegtay mu’assasada warbaahineed ee Az-Zallaaqah oo ku hadasha afka Jihaadiyiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin.

Weerarka ugu culus ayaa ka dhacay gudaha dalka Burkiina-Faaso, gaar ahaan gobolka Diidugho, kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan ciidamada mujaahidiinta ee Jamacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ay weerar balaaran ku ekeeyeen saldhig ay ku sugnaayeen maleeshiyaad taageersan ciidamada dowladda oo ku yaalla deegaanka Sissi.

Intii uu socday weerarkan, waxaa fagaaraha dagaalka la dhigay lix xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka carra-tuurka u ahaa ciidamada Burkiina-Faaso, iyada oo sidoo kale lagu qabsaday saddex qori oo nooca AK-47 ah iyo siddeed iyo toban mooto oo nooca laba lugooda ah. Isla maalintaas, jihaadiyiinta ayaa weerar kale oo culus ka fuliyay deegaanka Lugu-Nibyi oo ka tirsan gobolka Banfora, halkaas oo lagu dilay lix kale oo ka tirsanaa isla maleeshiyaadkan taageerada u ah ciidamada dawladda, iyada oo dagaalkaas lagau qabsaday laba qori oo nooca AK-47 ah iyo saddex mooto.

Ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa sidoo kale, weerar xooggan kala dul dhacay ciidamo ku sugnaa deegaanka Yisba oo ka tirsan gobolka Tenkodogo ee dalka Burkiina-Faaso, waxaana halkaas lagu dilay lix askari oo katirsanaa ciidanka dowladda, iyada oo gacanta lagu dhigay askari kale oo maxbuus ah.

Jihaadiyiinta ayaa hawgalkaas kula wareegay qori daba-jeex ah, toddoba qori oo AK-47 ah iyo Siddeed mooto oo nooca dhugdhug leeyda ah. Weerar kale oo ka dhacay isla gobolka Kiba ayaa isna lagu dilay Shan askari oo  ka tirsanaa milatariga Burkiina-Faaso, iyadoo lagu qabsaday qori daba jeex ah, Shan qori oo nooca AK-47 ah, diyaarad daroon ah iyo agab kale oo milatari.

Dhanka Maali, waxay ciidamada mujaahidiinta ee ka hawgala dalkaas qaadeen habeenkii Talaadada, hawgal qorshaysan oo laga fuliyay deegaanka Konobughu ee gobolka Siiqu, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidamada dalkaas. Waxaana sidoo kale lagu qabsaday laba qori oo daba-jeexyo ah, qoryo AK-47 ah, hal mooto iyo agabyo kale oo milatari, iyada oo ay intaas dheertay in ay mujaahidiintu dab qabadsiiyeen saddex gaari oo nooca dagaalka ah oo ay ka carareen ciidamadii watay.

Iskusoo wada duuboo weeraradan laayaanka ah ee ay ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ka fulinayaan wadamada galbeedka Afrika ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray isku socodka ciidamada ee gobalada qaar, kuwaas oo si joogto ah ula kulma weerarro dhaba gal ah oo lagu khaarajiyay tobanaan askari.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.