Friday, July 4, 2025
HomeAll NewsNusratul Islaam Wal Muslimiin oo Fulisay Weeraro ka Dhan ah Maali iyo...

Nusratul Islaam Wal Muslimiin oo Fulisay Weeraro ka Dhan ah Maali iyo Shisheeyaha ku Duulay Dalkaas.

Dalka Maali ayaa lagasoo sheegayaa inuu ka dhacay kamiin qorshaysan oo loo dhigay ciidamo Raashiyaan ah oo ku sugan dalkaas, kuwaas oo si toos ah uga amar qaata xukuumada Moskow, weerarkan dhaba-galka ah oo ka dhacay waqooyi-bari magaalada Biir oo ka tirsan gobalka Tumbuktu ayaa lagu dilay tobanaan kamida ciidamada Ruushka.

Dhanka kale, waxaa faahfaahino dheeraad ah laga helayaa weerarro culus oo dhawaan ka dhacay dalka Maali, kuwaas oo lala beegsaday in kabadan 10 xarumood oo iskugu jiray saldhigyo iyo baro kantarool oo ay ku xooganaayeen ciidamada dalkaas. Weeraradan ayaa sababay dhimashada tobanaan askari oo ay ku jiraan saraakiil ciidan, waxaa sidoo kale mujaahidiinta u suuragashay inay gacanta ku dhigaan qaar kamida ciidamada Maali iyaga oo maxaabiis ah.

War rasmi ah oo kasoo baxay jihaadiyiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa lagu sheegay, in weeraradaas lagu burburiyay ku dhowaad 100 gaari oo nooca dagaalka ah, iyaga oo la wareegeen 13 kale iyo saanad ciidan oo aad u badan, sida ay baahisay mu’assasada Az-Zallaaqah oo lagu arki karo tiro gawaari dagaal ah oo ay ku raran yihiin shixnado culus oo hub ah.

Xukuumada Bamaako oo horay u xaqiijisay weeraradan cagta lagu mariyay xarumaheeda ayaa haatan afka juuqda gabay, kaddib markii ay Jihaadiyiintu faafiyeen sawiro lagasoo qaaday goobaha uu dagaalku ka dhacay lagu farasaaray ciidamadeeda, kuwaas oo banaanka keenay xaqiiqada jabka culus ee gaaray ciidamada Maali.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.