Wararka nagasoo gaaraya dalalka galbeedka Afrika ayaa tilmaamaya, in ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ay qaadeen weerarro xooggan oo ka kala dhacay gudaha waddamada Maali, Niijar iyo Burkina-Faaso, kuwaas oo lala beegsaday kolonyo ciidamo ah, sildhigyo miltari iyo xarumo gaara oo lagu burburiyay hawgal Istishhaadi ah oo uu filiyay mujaahid ka tirsan jihaadiyiinta galbeedka Afrika.
Maalinimadii Axada ee ina dhaaftay weerar qorshaysan oo ay qaadeen ciidamada mujaahidiinta ayaa lagu bartilmaameedsaday gaari dagaal oo ay la socdeen ciidamada Maali iyo askar ka tirsan murtazaqada Fagnar, kuwaas oo marayay waddada xiriirisa magaalooyinka Kidal iyo Anfif ee waqooyiga dalka Maali, sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay mujaahidiinta, gaarigaas ayaa lagu beegsaday miino dhulka lagu aasay, waxaana la xaqiijiyay khasaare xooggan oo gaaray ciidamadii la socday, inkasta oo aan faahfaahin rasmi ah laga bixin tirada khasaaraha ka dhashay weerarkaas.
Isla dalka Maali, ciidamo mujaahidiin ah oo ka tirsan jihaaska amniga ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa gudaha u galay magaalada Koona ee gobolka Mobti ee dalka Maali, halkaas oo ay ku dileen laba askari oo ka tirsanaa askarta dowladda. Weerarkaas ayaa la sheegay inuu ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo laga fuliyay goob ay si joogto ah ugu suganaayeen ciidamada dalalkaas, weerarkan ayaana sababay cabsi xooggan oo soo food saartay madaxda iyo saraakiisha dawladda ee ku sugan magaaladaas.
Ciidamada mujaahidiinta ayaa weerar kale oo culus la beegsaday askarta dalka Maali, kaas oo ka dhacday magaalada Tambakto ee woqooyiga dalkaas, halkaas oo weerar Ishtishhaadi ah lagu qaaday xarunta dhexe ee ciidamada milatariga ee magaaladaas. Ciidamada Mujaahidiinta oo war kooban kasoo saaray hawgalkaas ayaa sheegay, in weerarkan lagu beegsaday saldhigga ugu weyn ee ciidamada dowladdu ku leeyihiin gobolka, waxaana la xaqiijiyay in weerarkaasi uu sababay burbur xoogan iyo khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dhanka kale, gudaha dalka Burkiina-Faaso, ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa sheegay, in ay fuliyeen weerarro kala duwan oo lagu beegsaday ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka la shaqeeya. Weerarka koowaad ayaa ka dhacay tuulada Hamsoral ee gobolka Fadargooma, waxaana halkaas khasare lagu gaarsiiyay ciidamadii ku sugnaa, iyada oo ay jihadiyiintu gacanta ku dhigeen hub yaallay xerada, kuwaas oo ugu damabayntii gubay teendhooyinkii iyo agabkii kale ee yaallay saldhiga.
Weerarka labaad ayaa ka dhacay deegaanka Batombo ee gobolka Diidooqo. Hawgalkan ayaa ahaa dhabba-gal loo dhigay kolonyo ka tirsan ciidamada Burkiina-Faaso, waxaana lagu dilay labo askari, iyadoo sidoo kale lagula wareegay afar qori oo nooca AK-47-ka ah, toddobo mooto oo dhugdhugley ah iyo agab milatari oo kale.
Dhalka Niijar oo isna kamida wadamada ay sida wayn uga hawgalaan ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin, ayaa lagasoo sheegayaa inuu ka dhacay dagaal culus, kaas oo si gaara uga dhacay tuulada Garmuwa oo ka tirsan gobolka Tillaberi. Jihaadiyiinta ayaa si dhamaystiran ula wareegay saldhiga la weerary oo ay ku sugnaayeen ciidamada dalkaas, kaddib dagaal culus oo si lama filaan ah u dhacay, Sida lagu sheegay war rasmi ah oo ay baahisay mu’assasada warbaahineed ee Az-Zallaaqah.
Weeraradan oo dhammaantood ka dhacay gudaha waddamada Maali, Niijar iyo Burkiina-Faaso ayaa muujinaya awoodda sii kordheysa ee ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacatu Nusratul Islaam wal-Muslimiin ee gobolka Saaxiilka, hawgaladan ayaana harsad iyo hooyaadba u diiday ciidamada dalalkaas, kuwaas oo kaalmo iyo garab istaag joogto ah ka hela wadamo shisheeye oo duulaan ku jooga gobolka.