Friday, June 6, 2025
HomeAll NewsNusratul Islaam Wal-Muslimiin oo in ka Badan 100 Askari ku Dishay Mali...

Nusratul Islaam Wal-Muslimiin oo in ka Badan 100 Askari ku Dishay Mali iyo Burkna-Faso.

Gobolka Saaxilka ee galbeedka Afrika ayaa wajahaya guluf militari oo si weyn loo qorsheeyey, kaas oo ay fulinayaan jihaadiyiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimeen. Weerarradan isku dubbaridan oo ka dhacay gudaha dalalka Maali iyo Burkiina-Faaso, ayaa sababay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyada oo ay jihaadiyiintu gacanta ku dhigeen in kabadan 20 askari oo maxaabiis ah.

Hawgaladan oo taxan lagasoo bilaabo cirifka ugu sareeya ee waqooyiga Maali illaa koonfurta Burkiina-Faaso ayaa weerarka ugu weyn wuxuu ka dhacay deegaanka istaraatiijiga ah ee Bo’ulkesi, oo hoos yimaada gobolka Mobti ee bartamaha Maali. Ciidamada mujaahidiinta ayaana si lama filaan ah ugu daatay saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada Maali, waxaana dagaalkaas lagu dilay in kabadan 100 askari, iyada oo gacanta lagu dhigay 22 kale oo naxaabiis ah. Weerarkan ayaana nodqay kii ugu khasaaraha badnaa oo mudooyinkan ka dhaca dalka Maali.

Ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ayaa hawgalkan ku furtay agab ciidan oo aad u badan, waxaana kamid ahaa 3 gaari oo ah nooca dagaalka, 2 hoobiye, 5 qori oo dhishiiyakayaal ah, 2 RPG iyo 174 qori oo Ak-47 ah. Jihaadiyiinta ayaana sidoo kale weerarkan ku gubay  33 gaari oo nooca dagaalka ah oo ay ku jiraan 11 gaari oo gaashaaman iyo baabuur dagaal oo culus, sida laga dheehan karo sawirro ay baahisay mu’assada warbaahineed ee Az-Zallaaqah oo ku hadasha afka Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin.

Dhanka kale, waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa hawgalkii isugu jiray Inqimasiyada iyo Istaashhaadiya ee lagu beegsaday saldhigii ugu waynaa ee ay ciidamada Maali ku lahaayeen magaalada Tombokto, kaas oo dhacay doraad Isniintii. Weerarkan ayaa ku bilowday qarax Istishhaadiyo ah oo uu fuliyay mid ka mida guutada Istishhaadiyiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin, kaddibna waxaa xigay dagaal toos ah oo lagu qaaday saddex kontarool oo laga galo magaalada iyo xarunta dhexe ee ciidamada. Sidoo kale waxaa hawgalkaas qayb ka ahaa madaafiic lagu garaacay garoonka diyaaradaha ee Tombokto oo ah talis ciidan oo ay adeegsadaan ciidamada Maali iyo murtazaqada Fagnar, inta la xaqiijiyay faahfaahinta weerarkan waxay mu’assasada Az-Zallaaqah sheegtay, in ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen tobanaan askari, isla markaana ay ku burbureen xarumo ciidan oo muhiim ahaa.

Dagaalkan culus ee ka dhacay dalka Maali ayaa waxaa hadana xigay hawgal kale oo isna ka dhacay dalka Burkiina-Faaso oo koonfur-bari ka xiga dalka Maali, ciidamo aad u qalabaysan oo ka tirsan mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam  Wal-Muslimiin ayaa weerar qorshaysan ku qaaday bar ciidan oo ku taalla deegaanka Ko’umbri ee gobolka Yatenga oo dhaca waqooyiga wadanka Burkiina-Faaso. Weerarkan ayay jihaadiyiintu kula wareegeen 14 gaari oo ah nooca dagaalka, kuwaas oo ay ku qalabaysnaa qoryaha Dhishiikaha, waxay sidoo kale mujaahidiintu la wareegeen hub culus oo iskugu jita hoobiyayaal, RPG, dabajeexyo iyo qalab kale. Intaas waxaa dheer in jihaadiyiintu ay dagaalkan ku gubeen illaa 6 gaari,  iyaga oo la wareegay qalab isgaarsiineed oo ay lahaayeen ciidamada Burkiina-Faaso.

Isla dalkaas waxaa sidoo kale ka dhacay hawgal lagu dilay maleeshiyaad gacansaar dhow la leh ciidamada Burkiina-Faaso, kuwaas oo ku sugnaa tuulada Nima Tinga ee gobolka Kulbileeqo ee bariga dalkaas, ciidamada Mujaahdiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaana weerarkaas ku dilay Labo Askari, iyaga oo kusoo furtay dhamaan hubkii ay wateen.

Iskusoo wada duuboo dagaaladan culus ee isbuucan ka dhacay galbeedka Afrika gaar ahaan wadamada Burkiina-Faaso iyo Maali ayaa sababay dhimashada Boqolaal Askari, iyada oo in kabadan 40 gaari ay noqdeen wax la gubay iyo kuwa ay jihaadiyiintu gacanta ku dhigeen, dagaaladan oo ay hurinayaan Ciidamada Mujaahdiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa saamayn wayn ku yeeshay askarta dalalkaas, kuwaas oo qarka u saran inay burburaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.