Saturday, May 17, 2025
HomeAll NewsNusratul Islaam Wal Muslimiin oo in ka Badan 210 Askari ku Dishay...

Nusratul Islaam Wal Muslimiin oo in ka Badan 210 Askari ku Dishay Dalka Burkina-Faso.

Ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Musliin ayaa weerarro balaaran ku qaaday saldhigyo ciidan oo ku yaalla waqooyiga Burkiina-Faaso gaar ahaan gobolka Wahiiguya, dagaalkan ayaa sababay dhimashada illaa 13 askari, halka lagusoo furtay in kabadan 10 qori oo ah noocyada kala duwan ee hubka. Waxay sidoo kale mujaahidiintu hawlgalkan ku gubeen 3 gaari oo gaashaaman, iyaga oo la wareegay 12 mootto oo nooca laba lugooda ah.

Dhanka kale, Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Musliin ayaa war rasmi ah kasoo saartay khasaaraha dagaalkii cuslaa ee dhawaan ka dhacay magaalada Jiibo ee dalka Burkiina-Faaso, kaas oo ku beegnaa Axadii ina dhaaftay ee 13-ka bishan Dul-qacdah, halkaas oo lagu dilay illaa 200 oo askari, laguna furtay saanad ciidan oo aad u badan, Sawiro ay baahisay mu’assasada warbaahineed ee Az-Zallaaqah, ayaa lagusoo bandhigay dhamaan hubkii lagu furtay dagaalkaas, waxaana kamid ahaa 4 gaari oo ah nooca gaashaaman, 2 hoobiye, 4 dhishiike, 9 RBG, 20 Dabajeex iyo 206 qori oo Ak-47 ah, waxaa sidoo kale kamid ahaa gaadiidka lagu la wareegay dagaalkan 16 mooto oo nooca laba lugooda ahaa.

Hawlagkan oo ay bogaadiyeen hogaamiyeyaasha mujaahdiinta ee jamaacada nusratul Islaam wal-Musliin ayaa noqonaya mid kamida malaaximtii ugu cuslaa ee ay jihaadiyiintu ku taalabsadaan tan iyo sanadkan, wuxuuna baal dahaba ka galayaa taariikhda halgan ee futuuxadka wadamada saalixka Afrika.

 

 

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.