Saturday, May 24, 2025
HomeAll NewsNusratul Islaam Wal-Muslimiin oo in ka Badan 45 Askari ku Dishay Dalka...

Nusratul Islaam Wal-Muslimiin oo in ka Badan 45 Askari ku Dishay Dalka Burkina-Faso.

Dagaallo culus oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay askarta dalka Burkiina-Faaso ayaa isbuucii ina dhaafay ka dhacay dalkaas, Weerarradan ayaana si gaara uga dhacay gobollada Kolbileeqo iyo Banfoora oo kawada tirsan dalka Burkiina-Faaso, hawgaladan oo aad u xoogganaa ayaa sababay dhimashada in ka badan 45 askari.

Weerarka ugu dhimashada badan ayaa lagu qaaday xero ciidan oo ku taalla deegaanka Yuulad oo ka tirsan gobolka Kulbileeqo. Sida ay sheegtay mu’assasada warbaahineed ee Az-Zallaaqah, ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan jihaadiyiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa subaxnimadii hore ee Arbacadii lasoo dhaafay gudaha u galay xeradaas, halkaas oo ay si toos ah u beegsadeen dhifaacyadii ay ciidamada Burkiina-Faaso kaga sugnaayeen xeryaha la weeraray.

Ugu yaraan 20 askari ayaa lagu dilay hawgalkaas, ciidamada mujaahidiinta ayaana la wareegay saanad ciidan oo aad u badan oo yaallay saldhiga la weeraray, waxaana ka mid ahaa labo qori oo Dhishiike ah, Afar RPG, Siddeed dabajeex, 28 qori oo AK-47 ah iyo 20 mooto oo ah nooca labo lugooda ah.

Maalin ka hor weerarkaas, waxay jihaadiyiinta Jamacaada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin qaadeen weerar xooggan oo ay cagta ku mariyeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Baqaamuusuu oo isna hoos taga gobolka Kulbileeqo, dagaalkan ayaa lagu dilay illaa 19 askari. Mujaahidiinta ayaana gacanta ku dhigay gaari ciidan iyo noocyo kala duwan oo kamid ah hubka fudud, sida ay baahisay mu’assasada Az-Zallaaqah oo ah garabka warbaahineed ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin.

Dhanka kale gobolka Banfora, gaar ahaan deegaanka Mangodaga ayaa noqday goob kale oo martigalisay hawgallada jihaadiga ah ee ka socda galbeedka Afrika, ciidamada mujaahidiinta ayaana kamiin qorshaysan u dhigay askar ka tirsanaa milatariga Burkiina-Faaso, kaas oo ugu damabayntii isku badalay dagaal toos ah, waxaana halkaas lagu illaa 6 askari oo ka mid ahaa ciidamada Burkiina-Faaso.

Ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusrtaul Islaam Wal-Muslimiin ayaa isbuucii ina dhaafay qaaday, tobanaan weerar oo lagu dhiigbixiyay askarta wadamada galbeedka Afrika, kuwaas oo lagu dilay boqolaal askari, hawgaladan ayaa intooda badan ka dhacay dalka Burkiina-Faaso oo ah dalka ay ugu awooda badan yihiin Jihaadiyiinta ka hawgalla gobalada Saaxilka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.