Saturday, June 14, 2025
HomeAll NewsNusratul Islaam Wal-Muslimiin oo ka Hadashay Ka Bixitaanka Murtazaqada Fagnar ee Dalka...

Nusratul Islaam Wal-Muslimiin oo ka Hadashay Ka Bixitaanka Murtazaqada Fagnar ee Dalka Mali.

Jamaacada Nusratul Islaam wal-Muslimiin ayaa soo saartay bayaan rasmi ah oo ay kaga hadashay go’aanka kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Fagnar ay kaga baxayaan dalka Maali, kaddib muddo ka badan saddex sano iyo bar oo ay ku sugnaayeen dalkaas. Bayaanka ayaa lagu xusay in ciidamadan calooshood u shaqaysayaasha ah ay muddadaas ka wadeen dalka Maali dilal, barakicin baahsan iyo ka macaashka dagaalka iyo dhibaatooyinka shacabka. Waxayna hadda si lama filaan ah ay u shaaciyeen in ay ka baxayaan guud ahaan dalka Maali.

War-saxaafadeedka Jamaacada Nusratul Islaam ayaa looga hadlay, in go’aankan uu yahay mid burinaya sheegashooyinkii dowladda Maali oo marar badan si cad u inkirtay joogitaanka ciidamada Fagner ee gudaha dalkaas, taasoo ay horey ugu andacootay inaysan jirin wax calooshood u shaqeystayaal ah oo dalka jooga. Bayaanka ayaana si adag loogu dhaleeceeyey dowladda Bamaako, iyada oo lagu cadeeyay sheegashooshinka xukumada Maali ee ah in ay madax-bannaan yihiin iyo inay diidan yihiin faragelin shisheeye inay tahay mid been abuur ah oo lagu daboolayo xaqiiqda ka jirta waaqica.

Sidoo kale, Jamaacadu waxay bayaankan ku sheegtay, in ciidamada jihaadiyiinta ah ee ka hawlgalad wadamada Saaxilka Afrika ay guulo ballaaran ka gaareen dagaalada ay kula jiraan ciidamada maxaliga ah iyo kuwa shisheeye, taas oo keentay in murtazaqada Fagner ay ka niyad jabto joogitaanka dalkaas. Waxaana lagu yiri bayaanka: “Ka Bixitaanka murtazaqada Fagner ee Dalka Maali, waxa ay caddeyn u tahay guuldarro kale oo kusoo kordhay maamulka Bamaako iyo burburka isdaba joogga ah ee ku imaanaya quwadaha ku sugan gobolka Saaxiilka.”

War-saxaafadeedka Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa sidoo kale beeniyay sheegashada murtazaqada Fagner ee ah in ay ka adkaadeen xoogagga jihaadiga ah, waxaana si faahfaahsan Bayaanka loogu xisay dagaallo ay ciidamada mujaahdiintu ku jabiyeen calooshood u shaqaystayaasha Fagnar, sida dagaaladii ka dhacay: Bandi’agara, Ganfato, Seghari, Djabali, Nambala, Mo’urja, Hombori, Gossi, Tintagagite, Taknakant iyo Amsarkaden. Bayaanka ayaa lagu yiri: “Guulahan cadcad ayaa burinaya dhammaan sheegashooyinka Fagner ee ah in ay jabiyeen awoodda mujaahidiinta.”

Bayaanka ayaa sidoo kale fariin loogu diray dawladda Ruushka, iyada oo loogu baaqay inay si dhamaystiran uga baxdo guud ahaan gobalka Saaxilka, kuna cibro qaadato dhabar jabkii ay ciidamada Ruushku kala kulmeen wadanka muslimka ah ee Afghaanistaan.

War-saxaafadeedkan kasoo baxay Jamaacada Nusratul ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka muslimka ah ee wadamada galbeedka Afrika, in ay iska kaashadaan sidii looga hortagi lahaa duullaanka shisheeye loona dhisi lahaa dowlad Islaami ah oo ku saleysan Kitaabka Alle iyo Sunnada Rasuulka (NNKH). Waxaana Bayaanka lagu yiri: “Waxaan ugu baaqeynaa dadka muslimiinta ah in ay midoobaan, kana dhiidhiyaan gumeystaha, si ay u helaan nidaam Islaami ah oo caddaalad ku dhisan.” Iyada oo dhanka kale loogu baaqay inay sabraan kuna dhabar adaygaan halganka dheer ee ay ugu jiraan soo celinta sharaftii iyo cisigii ay ku suntanaayeen muslimiinta ku nool wadamada galbeedka Afrika. Wuxuuna Allaah yiri: وَلَا تَهِنُواْ فِى ٱبْتِغَآءِ ٱلْقَوْمِ إِن تَكُونُواْ تَأْلَمُونَ فَإِنَّهُمْ يَأْلَمُونَ كَمَا تَأْلَمُونَ وَتَرْجُونَ مِنَ ٱللَّهِ مَا لَا يَرْجُونَ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمًا

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.