Monday, May 12, 2025
HomeAll NewsNusratul Islaam Wal Muslimiin oo ku Dhawaad 10 Askari ku Dishay Dalka...

Nusratul Islaam Wal Muslimiin oo ku Dhawaad 10 Askari ku Dishay Dalka Burkina-Faso.

Wadamada galbeedka Afrika gaar ahaan dalka Burkiina-Faaso ayaa martigaliyay hawgallo jihaadi ah oo ay hurinayaan mujaahidiinta ka dagaalama wadamada saaxilka Afrika ee katirsan Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Musliin, iyada oo dalkaasi uu wajahayo fadqalatooyin siyaasadeed oo u dhaxeeya dhinacyada isku haya talada dalkaas.

Dagaalyahano ka tirsan mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaana shalay Axadii weerar culus ku qaaday xero ay ciidamada Burkiina-Faaso ku lahaayeen magaalada Jiibuu ee caasimada gobalka Soom ee waqooyiga dalkaas.

Dagaaladan oo xoogganaa ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca tiro askar ah oo ka tirsan militariga dalkaas. Mas’uuliyiinta Burkiina-Faaso ayaana weli shaacin khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray ciidamadooda, iyadoo maalmihii udambeeyay la dilay tobanaan askari, halka la dhaawacay boqolaal kale.

Sida laga soo xigtay raadiyaha Farans Internashnaal, weerarkan ayaa bilowday  abaare Shantii iyo Bar arroornimo xiliga maxaliga ah ee dalkaas, kaas oo soo gaaray illaa galinkii dambe ee shalay Axadii, war kasoo baxay ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-musliin ayaa lagu sheegay, in ay Jihaadiyiintu gabi ahaanba la wareegeen xarumihii ay ciidamada dalkaas ku lahaayeen magaalada Jiibuu, inkastoo aysan sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas.

Isla dalkaas ciidamada mujaahidiinta ee Jamacada Nusratul Islaam Wal-Musliin ayaa maalinimadii Jimacaha ee ina dhaaftay weerar kale oo aad loo agaasimay ku qaaday, saldhigyo ciidan oo ay askarta Burkiina-Faaso ku lahaayeen halka loo yaqaano Yiilaa oo ka tirsan gobalka Diiduuquu.

Hawgalkan ayaa sababay dhimashada  illaa 8 askari, iyada oo lagusoo furtay ku dhawaan 10 qori oo ah nooca Ak-47-ka.  Jihaadiyiinta ayaa sidoo kale weerar qorshaysan ku qaaday goob ay ku sugnaayeen ciidamada dalkaas oo ku taalla duleedka magaalada Sabaasii ee gobalka Baami, waxaana ciidmada mujaahiinta u suuragashay inay la wareegaan gaari gaashaaman oo ay wateen askarta la beegsaday, kaddib markii ay iskaga carareen difaacyadii ay ku sugnaayeen.

Waxaa xusid mudan in weerarkan uu kusoo beegmay xilli uu madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee dalka Burkiina-Faaso Ibrahim Tawaawari uu dib ugu laabtay magaalada caasimada u ah dalkaas ee Wagaduugu, kaddib booqasho uu ku tagay magaalada Moskow, halkaas oo uu Sabtidii kula kulmay madaxweynaha Ruushka Faladamiir Buutin, ayna ka wadahadleen xoojinta iskaashiga militari ee labada waddan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.