Wararka nagasoo gaaraya wadamada saaxilka Afrika ayaa ku waramaya, in ay dalalkaas ka dhaceen dagaallo xooggan oo ay fuliyeen ciidamada mujaahiiinta ee Jamaacada Nusrtul Islaam Wal-Musliin, weeraradan ayaa ka kala dhacay wadamada Burkiina-Faaso, Niijar iyo Maali, iyada oo lagu dilay ku dhawaad 180 askari, laguna furtay saanad militari oo aad ubadan.
Dalka Burkiina-Faaso oo ah wadanka ugu horeeya ee ay ka dhacaan hawgallada ugu badan ee galbeedka Afrika ayaa wajahaya duulaano isdaba joog ah, waxaana isbuucyadii lasoo dhaaftay lagu khaaarajiyay bololaal askari, dagaaladaas waxaa kamid ahaa duulaan balaaran oo cagta lagu mariyay saldhigyo ciidan oo ay ku sugnaayeen boqolaal askari oo ku yaalla duleedka tuulada Dayaabaqaa ee ka tirsan gobalka Fadanqarooma.
Weerarkan oo aad u cuslaa ayaa noqday mid kamida malaaximtii ugu addkaa ee dhacay isbuucii ina dhaafay, waxaana lagu dilay illaa 160 askari oo ka tirsanaa ciidamada Burkiina-Faaso, hawgalkan ayay ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacad Nusratul Islaam Wal-Musliin kula wareegeen gaadiid dagaal, qoryaha hoobiyayaasha iyo 3 dhishiike, waxay sidoo kale dagaalkan ku qabsadeen ku dhawaad 20 qori oo iskugu jira RBG iyo dabajeexyo, 47 qori oo AK-47 ah, 15 mooto oo laba lugood ah iyo labo diyaaradood oo daroon ah.
Sawirro ay baahisay mu’assasada warbaahineed ee Al-Zallaaqah oo ku hadasha afka Jaamacada Nusratul Islaam Wal-Musliin ayaa lagusoo bandhigay dhamaan hubkii ay ciidamada mujaahidiintu ku furteen dagaaladaas.
Dhanka kale, dalka Niijar oo waqooyi bari kaga beegan Burkiina-Faaso ayaa sidoo kale martigaliyay dagaallo culus oo ay fuliyeen ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Musliin, weeraradan ayaana lagu burburiyay talis ciidan oo ku yaallay tuulada Muusiibaaqaa ee gobolka Tiilaabiirii.
Dagaalkan ayaa lagu dilay illaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidamada Niijar, waxaana mujaahidiinta u suuragashay inay gacanta ku dhigaan inta badan hubkii ay wateen ciidamada lalaayay, waxaana kamid ahaa 5 gaari oo ay ku jiraan gawaari gaashaaman, ku dhawaad 40 qori oo iskugu jira noocyada kala duwan ee hubka fudud iyo kuwa culus, 3 diyaaradood oo daroon ah iyo 3 mooto oo laba lugood ah.
Geesta kale, ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ee ka hawgala dalka Maali ayaa cagta mariyay bar ciidan oo ku taalla halka loo yaqaano Saanadaarii ee qaybta ka ah gobolka Kaayis, waxaana hawlgalkaas lagu dilay illaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidamada Maali, sida ay shaacisay mu’assasada warbaahineed ee Az-Zallaaqah. Dagaalkan ayaana lagu furtay 4 gaari oo gaashaaman, ku dhawaad 30 qori oo iskugu jira noocyada kala duwan ee hubka, waxay sidoo kale mujaahdiintu dagaalkan ku gubeen 4 gaari oo ah nooca dagaalka.
Ciidamada wadamada saaxilka Afrika ayaa wajahaya mawjado weerarro ah oo ay fulinayaan militariga Jamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin, kaas oo dhabarka ka jabiyay haybadii ay sheegan jireen ciidamada dalalkaas oo garab iyo taakulaba ka heli jiray dawladaha reer galbeedka, Hawlgaladan lafa jabiska ah ayaa imaanaya iyadoo todobaadyadii ugu dambeeyay ay mujaahidiintu xoojiyeen weerarada ay ku burburinayaan talisyada ay ku sugan yihiin boqolaalka askari, taas oo quus galinaysa maamuladaas.