Tuesday, June 17, 2025
HomeAll NewsNusratul Islaam Wal-Muslimiin oo la Wareegtay Saldhigyo Millatari.

Nusratul Islaam Wal-Muslimiin oo la Wareegtay Saldhigyo Millatari.

Ciidmada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusrat Islaam wal-Muslimiin ee ka dagaallama wadamada Saaxilka Afrika ayaa weerarro culus ku qaaday ciidamo isku dhaf ah oo ka kala tirsanaa askarta wadamadaas, kuwaas oo ku sugnaa meelo kala duwan oo ka tirsan dalalka Maali iyo Burkiina-Faaso. Weeraradan oo dhacay maalmihii lasoo dhaafay ayaa ahaa kuwo qorshaysan oo khasaare xooggan lagu gaarsiiyay askarta dowladahaas.

Weerarka ugu culus ayaa ka dhacay magaalada Seego oo ka tirsan gobolka Mobti ee bartamaha dalka Maali, halkaas oo ciidamo aad u qalabysan oo ka tirsan jihaadiyiinta ay qabsadeen saldhig ciidan oo muhiim ah oo ay ku sugnaayeen askar ka tirsan milateriga Maali. Warbaahinta ku hadasha afka Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Musliim ee Az-Zallaaqah ayaa ku dhawaaqaday inay jihaadiyiintu si buuxda u la wareegeen xaruntaas kaddib dagaal socday mudo saacado ah.

Galinkii dambe ee maalinimadii Isniinta, ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Musliim ayaa fuliyay weerar kale oo lagu beegsaday gaari milateri oo marayey koonfurta magaalada Kidal ee isla dalka Maali. Qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa si toos ah u haleeshay gaariga, iyadoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha nafeed ee ka dhashay, hase ahaatee gaariga ayaa gabi ahaanba bur-buray kaas oo siday saraakiil ay garbinayeen ciidamo ka tirsan askarta Maali.

Dhinaca kale, dalka Burkiina-Faaso oo xuduud beenaad la leh wadanka Maali, ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan milatariga Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa hawgal culus ku ekeeyay labo saldhig oo ay ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka taageera ku lahaayeen gobollada Fadandargarooma iyo Kaya. Weerarka ka dhacay gobalka Fadandargarooma ayaa lagu dilay askari ka tirsanaa ciidanka dowladda, iyada oo sidoo kale lagula wareegay afar qori oo ah nooca Ak-47, afar mooto oo laba lugood ah iyo gaari milatari. Weerarkaasi ayaana dhacay maalintii Sabtida ee la soo dhaafay.

Isla maantaas ciidamada mujaahdiinta ayaa mar kale weerar xooggan ka fuliyay tuulada Safi ee ka tirsan gobolka Kaya ee isla dalka Burkiina-Faaso, waxaana jihaadiyiinta u suuragashay inay gacanta ku dhigaan saanad ciidan oo ay ka carareen ciidamadii halkaas lagu weeraray, sida ay sheegtay mu’assasada warbaahineed ee Az-Zallaaqah.

Weeraradan ayaa kusoo beegmaya xili xaalada siyaasadeed ee ka jirta wadamada Saaxilka ay aad u kacsan tahay, taas oo qayb ka ah burburka joogtada ah ee ku socda ciidamada dalalkaas. Mujaahidiinta ayaana dhankooda ka faa’idaysanaya xaaladaha firaaq ah ee soo food saaray ciidamada dalalkaas, kaddib markii uu Ruushku ku dhawaaqay inuu wax ka badali doono siyaasadiida milatari ee ku aadan wadamada Saaxilka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.