Friday, April 18, 2025
HomeAll NewsNusratul Islaam Wal-Muslimiin oo Saaxilka Afrika ku Dishay ku Dhawaad 20 Askari.

Nusratul Islaam Wal-Muslimiin oo Saaxilka Afrika ku Dishay ku Dhawaad 20 Askari.

Ciidamada mujaahidiinta ee Jamacada Nusratul Islaam Wal-Misliin ayaa fuliyay weerarro cagta lagu mariyay xarumo ciidan iyo goobo ay ku sugnaayeen askar ka tirsan dawladaha Burkina-Faso iyo Maali, hawlgaladan ayay mujaahidiintu ku dileen askar iyadoo lagu dhaawamacay laguna soo furtay hub iyo agab kale oo militari.

Dagaal culus oo ka dhacay saldhig militari oo ku yaalla deegaanka Saafi ee gobalka Kiya ayaa lagu dilay 10 askari oo ka tirsanaa ciidamada Burkina-Faso, waxayna iska hor-imaadkan ay mujaahidiintu kusoo furteen 3 qori oo BKM ah, qori RBG ah, 10 qori oo AK-47 ah iyo rasaas badan oo ay ku qalabaysnaayeen ciidamadii lagu weerary saldhigaas.

Hawlgal kale oo ay mujaahidiintu fuliyeen ayaa lagu bartilmaameedsaday saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen askar ka tirsan xukuumada Burkina-Faso, dagaalkaas ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Kenziri oo ka tirsan gobalka Diduqu, waxaana lagu dilay illaa 4 askari, halka lagusoo furtay 4 qori oo BKM ah iyo 10 mooto oo laba-lugood ah, iyadoo halkaas lagu gubay 2 gaari oo ah nooca dagaalka.

Isla dalkaas waxay mujaahidiinta Jamacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin weerareen labo goobood oo ay ku sugnaayeen ciidamada dalkaas, saldhigyada la beegsaday ayaa ku kala yaalla Diambindu oo ka tirsan gobalka Kulbiluuguu iyo saldhig kale oo ku yaalla tuulada Kilbo ee gobalka Soum, hawlagaladaas ayaa lagu dilay illaa 3 askari, iyadoo lagusoo furtay saanad ciidan, halka lagu gubay 30 Mooto oo ah nooca laba lugooda ah.

Dhanka kale, dalka Maali ciidamada mujaahidiinta ayaa kamiin u dhigay askar  ka tirsan ciidamada dalkaas oo roondo ka samaynayay inta u dhaxaysa magaalooyinka Sikaaso iyo Nebna, waxaana dhaba-galkan khasaare lagu gaarsiiyay askartii kamiinka loo dhigay.

Hawgaladan ka kala dhacay Burkina-Faso iyo Maali ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalmihii u dambeeyay gobalka saaxilka lagu dilay askar iyo saraakiil ka tirsanaa ciidamada dalalkaas, waxaa kamid ahaa weeraradaas dagaal ka dhacay xero ciidan oo ku taalla deegaanka Bogonyangari ee gobalka Fadangorma, halkaas oo lagu dilay 7 askari oo ka tirsanaa ciidamada dawladda Burkina-Faso.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.