Dalka Burkiina-Faaso oo dhaca galbeedka Afrika ayaa maalinimadii Talaadada ee ina dhaaftay marti galiyay dagaallo culus oo lagu jabiyay askarta dalkaas, kaas oo ay fuliyeen ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin. Dagaaladan oo dhamaantood dhacay hal maalin oo kaliya ayaa cagta lagu mariyay saldhigyo iyo xeroooyin ciidan oo ay daganaayeen boqolaal askari oo katirsan militariga Burkiina-Faaso.
Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan jihaadiyiinta ka dagaalama wadamada Saaxilka Afrika ayaa subaxaas difaacyada ugu daatay askar ku sugnaa xerooyin ciidan oo isku raran ah, kuwaas oo ku yaalla duleedka tuulada Laanafiira ee gobalka Diiduquu, dagaal socday mudo saacado ah kaddib ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa gabi ahaanba la wareegay saldhigyadii tuuladaas ugu yaallay ciidamada Burkiina-Faaso.
Hawlagalkan ayaa sababay dhimashada tobanaan askari, kuwaas oo dhamaantood ahaa ciidamadii ku sugnaa saldhigyada la weeraray, waxayna ciidamada mujaahidiintu halkaas ka daabusheen saanad ciidan oo aad u badan. Hubka ay jihaadiyiintu dagaalkaas ku furteen waxaa kamid ahaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee darooniska, illaa 4 gaari oo gaashaaman, 2 qori oo dhishiike ah, tiro hoobiyeyaal ah, 7 qori oo RPG ah iyo in kabadan 40 qori oo iskugu jira dabajeexyo iyo Ak-47.
Isla gobalka Diiduuquu ee dalka Burkiina-Faaso waxaa isla maalintaas oo ahayd Talaadadii ina dhaaftay mar kale ka dhacay iska hor-imaad xooggan oo dhex maray ciidamada mujaahdiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin iyo askarta Burkiina-Faaso.
Dagaalkan ayaa si gaara uga dhacay halka loo yaqaano Saanafuufuu oo ah bar ciidan oo ay ku xooganaayeen ciidamada Burkiina-Faaso. Markii ay is qabsatay jabaqda rasaasta dagaalkuna uu socday mudo kooban waxay ciidamada Burkiina-Faaso danbtu biday inay cagaha wax kadayaan, iyaga oo fagaaraha dagaalka ugaga cararay maydadka illaa 13 askari, kuwaas oo Allaah Fadligiis ay haleeshay xabada jihaadiyiinta.
Ciidamada mujaahdiinta ayaana hawlgalkan kusoo furtay dhamaan hubkii iyo saanadii ciidan ee ay wateen askarta goobta lagu dilay, sawiro ay baahisay mu’assasada warbaahineed ee Az-Zallaaqah oo ku hadasha afka Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Musliin ayaa lagu daawan karaa raadadka ay reebeen dagaalada maalintaas ka dhacay gobalka Diiduuquu ee dalka Burkiina-Faaso, waxayna mujaahdiintu soo bandhigeen gawaari shaaximan oo ay ku raran yihiin hubka noocyadiisa kala duwan.
Waxaa xusid mudan in dagaalada ka socda galbeedka Afrika gaar ahaan dalka Burkiina-Faaso ay si xooggan u wiiqeen awooda ciidamada dalkaas, taas oo ay ka qaylo dhaamiyeen dawladaha reer galbeedka ee taban-taabiya xukamadaha dalalkaas ka jira, kuwaas oo dagaal adag kula jira ku dhaqanka shareecada Islaamka. Jamaacada Nusratul Islaam ayaana wada dagaallo xooggan oo dardar leh, kuwaas oo gayiga Islaamka looga xoraynayo shisheeyaha iyo kuwa ku daaban.