Ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa weerarro qorsheysan iyo iska cabin adag kala hortagay askarta dowladaha Maali iyo Burkiina-Faaso, kuwaas oo la gaarsiiyay khasaare culus oo naf iyo maalba leh, sida ay shaacisay mu’assasada warbaahineed ee Az-Zallaaqah oo ku hadasha afka Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin.
Jihaadiyiinta ayaa isbuucii ina dhaafay weerar xooggan ku qaaday labo saldhig oo ay ku sugnaayeen ciidamada Burkiina-Faaso, kuwaas oo ku kala yaalla gobollada Diidooqo iyo Baasuur. Saldhigga koowaad oo ku yaalla gobalka Diidooqo gaar ahaan magaalada Saaber Koone, ayaa lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada dalkaas, waxayna mujaahidiintu kula wareegeen laba gaari oo nooca dagaalka ah, lix mooto oo nooca laba lugooda ah iyo dhawr qori oo iskugu jira dabajeexyo iyo Ak-47.
Saldhiga labaad ee la weeraray ayaa ku yaalla gobalka Baasuur gaar ahaan halka loo yaqaano Banqaa-tiinaqaa, waxaana hawgalkan lagu dilay Siddeed xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaad calooshood u shaqaystayaal ah oo taageera ciidamada dawladda Burkiina-Faaso. Jihaadiyiinta ayaana gacanta ku dhigay Todobo qori oo Ak-47 ah, Todobo mooto oo nooca dhugdhuglayda ah iyo agab kale oo milatari.
Isla maalintaas, weerar kale ayaa ka dhacay deegaanka Jaabuu oo ku yaalla gobolka Fandargarooma waxaana halkaas isku farasaaray ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin iyo askarta Burkiina-Faaso. Dagaalkan oo dhacay Arbacadii lasoo dhaafay ayaa lagaga hortagay dhaq-dhaqaaq ciidan oo ay miltariga dalkaas ka sameeyeen duleedka magaalada Jaabuu, kuwaas oo isku dayayay inay dib u qabsadaan goobo horay loogala wareegay, waxaana hawgalkaas ay mujaahidiintu ku furteen Labo qori oo nooca RPG ah, Labo dabajeex iyo Shan iyo Toban mooto oo nooca laba lugooda ah, khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dagaalkan ayaana si rasmi ah wali loo sheecin inkastoo jab culus la gaarsiiyay ciidamada Burkiina-Faaso ee duulaankan qaaday.
Dhanka kale, dagaal xooggan ayaa ka dhacay xad beenaadka u dhexeeya dalalka Maali iyo Gini, gaar ahaan deegaanka Kuulikooro ee ka tirsan gobolka Narina, ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaana weerar qorshaysan ku qaaday bar ciidan oo ay lahaayeen askarta Maali. Waxaana dagaalkaas lagu dilay ugu yaraan Labo askari, halka sidoo kale lagu qabsaday gaari ciidan iyo agab kale oo milatari.
Hawgaladan ayaa kusoo beegmaya iyada oo ay sii laba lixaadsanayaan weerarada jihaadiga ah ee ay ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin kula wareegayaan talisyada waawayn ee wadamada Saaxilka, xili dalka Maali ay kasocdaan isbadalo siyaasadeed, iyada oo ay murtazaqada Fagnar ku dhawaaqeen ka bixitaanka guud ahaan dalka Maali.