Wednesday, June 25, 2025
HomeAll NewsNusratul Islaam Wal-Muslimiin oo Weeraro ka Fulisay Dalalka Burkiina-Faso iyo Maali.

Nusratul Islaam Wal-Muslimiin oo Weeraro ka Fulisay Dalalka Burkiina-Faso iyo Maali.

Ciidamada Mujaahidiinta ee Jamacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa toddobaadkan shaaciyay weerarro isdabajoog ah oo ay ku qaadeen askarta dalalka Burkiina-Faaso, Maali iyo kolonyo kamida ciidamada Ruushka ee ku sugan dalka Maali, weeraradan ayaa lagu dilay tiro askar ah, isla markaana jihaadiyiinta ayaa la wareegay hub iyaga oo gubay gaadiid dagaal, taas oo sare u qaaday hawgalada jihaadiga ah ee ka socda gobalka.

Weerarada ugu khasaaraha badan ayaa ka dhacay dalka Burkiina-Faaso, halkaas oo saddex hawlgal oo ay mujaahidiintu ka fuliyeen lagu dilay todobo askari oo iskugu jira milatariga dalkaas iyo maleeshiyaadka taageera ciidamada dowladda. Weerarka ugu culus oo dhacay maalinimadii Jimcaha ayaa lagu khaarijiyay afar askari, kaas oo si gaara uga dhacay duleedka magaalada Kiba ee dalka Burkiina-Faaso.

Hawgalkan ayaa jihaadiyiinta u suuragaliyay la wareegida saanad ciidan, taas oo ay kamid ahaayeen hoobiye, qori dabajeex ah iyo saddex qori oo ah nooca AK-47-ka, halka gaari ciidan lagu gubay goobta uu dagaalku ka dhacay.

Maalinimadii Khamiista ee ka horreysay, waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu beegsadeen laba askari oo ku sugnaa bar koontarool oo ku taalla halka loo yaqaano Yagho, iyada oo laga furtay labo qori oo nooca AK-47 ah iyo labo mooto oo nooca laba lugooda ah oo ay wateen askarta la beegsaday. Dhanka kale gobolka Diidughu waxay Jihaadiyiintu ku toogteen hal askari, kaddib markii ay ciidamada dalkaas isku dayeen inay dhaqdhaqaaq ciidan ka sameeyaan duleedka magaalo kamid ah gobalkaas.

Geesta kale, isla maalinkaas waqooyiga magaalada Kidaal ee dalka Maali, waxay mujaahidiintu qarax loo adeegsaday miino la beegsadeen kolonyo kamida ciidamada Ruushka, taas oo gebi-ahaanba burburisay gaari miino-baare ahaa oo ay wateen ciidamo mino baarayaal ah, Inkasta oo tirada khasaaraha nafeed aan la shaacin, hadana dhanka kale waxaa jira burbur xooggan oo gaaray gaariga la beegsaday, sida ay sheegtay Mu’assasada warbaahineed ee Az-Zallaaqah oo baahisay sawirada gaariga la bartilmaameedsaday.

Maalin kaddib weerarkaas, ciidamada mujaahidiinta ayaa mar kale, weerar qarax ah la beegsaday askar iskugu jirta ciidamada Maali iyo kuwo calooshood u shaqaystayaasha ah ee Ruushka, kuwaas  oo marayay wadada isku xirta magaalooyinka Kawala iyo Sibabuugu oo kawada tirsan gobolka Kulikoro ee bartamaha dalka Maali, qaraxan ayaana sababay khasaare xooggan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamadii kolanyada ahaa ee la beegsaday.

Hawgaladan lagu laayay ciidamada Ruushka iyo kuwa Maali ayaa kusoo beegmaya iyada oo madaxwaynaha dalkaas Assiimi Ghuwayta uu safar ku tagay dalka Ruushka kulana la qaatay dhigiisa Faladamiir Butin, kuwaas oo kawada hadlay xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal, xukumada Maali ayaana albaabada u furtay askarta calooshood u shaqaystayaasha ah ee gumaadka daran ka wada wadamada Saaxilka Afrika.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.