Saturday, April 12, 2025
HomeAll NewsNusratul Islaam wal Muslimiin oo Weeraro ka Fulisay Dalalka Maali iyo Burkina...

Nusratul Islaam wal Muslimiin oo Weeraro ka Fulisay Dalalka Maali iyo Burkina Faso.

Weerarro kala duwan oo isagu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah ayey Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul-Islaami Wal-Muslimiin la beegsadeen askarta dowladahan maalimihii lasoo dhaafay.

Haddii aan ku hormarno Burkiina-Faaso ah oo dowladda ay askarteedu la kulmeen weeraradan intooda badan, islamarkaana ku waysay ku dhawaad 20 askari.

Labo kamid ah weeraradan waxaa lagu qaaday bar-koonratoollo ay askarta Burkiina-Faaso k lahaayeen gobolka Waahiqooya oo kamid  ah dalkaasi, waxaana halkaasi looga dilay 4 askari, hub iyo 5 mooto Dhugdhugleyna waa laga furtay.

Weerarro kale oo kuwan lamid ah ayaa lagu qaaday illaa 5 tuulo oo ay ciidamada Burkiian-Faaso ku lahaayeen bar-koontaroollo, waxaana goobahaasi looga dilay 8 askari, iyadoo laga soo furtay hub, 5 mooto Dhigdhugleey iyo agabyo kale.

Sidaasi si lamid ah, bar-ciidan oo ay askarta Burkiina-Faaso ku lahaayeen gobolka Waahiqooya ayuu weerar kale ka dhacay, waxana lagu dilay 5 askari, iyadoo laga soo furgtay hub iyo 3 mooto labo lugooleey, sido kale laga burburiyay gaadiid sedax ah iyo mootooyin kale.

Dhanka kale weerarro qaraxyo ah oo ka kala dhacay wadamada Mali iyo Burkiina-Faaso ayey Mujaahidiinta Jamaacadu ku burburiyeen tiro gaadiid ah oo ay lahaayeen labadan dowladood.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.