Mujaahidiin Jamaacada Nusratul-Islaam Wal-Muslimiin ayaa maalmihii lasoo dhaafay qaaday weeraro xooggan oo ay khasaarooyin kala duwan oo naf iyo maalba leh ku gaarsiiyeen askarta xukuumadda Burkiina Faaso iyo malleeshiyaadka calooshood ushaqeystayaasha Fagner.
Haddii aan ku hor marno dhanka xukuumadda Burbkiina-Faaso iyo khasaaraha soo gaaray maalimihii tegay, Waxaa kamid ah weerar lixaad leh oo ay ciidamada Mujaahidiin Jamaacada Nusratul-Islaam Wal-Muslimiin ku qaadeen xarun ay la haayeen ciidankeeda, kadib markii ay u adkeysan waayeen xabadda ayeyna isaga carareen xarunta, waxayna Mujaahidiinta soo furteen hub iyo agabyo kale, iyagoo sido kale gubay 19 mooto oo ah nooca Dhugdhugleyda.
Sido kale weerar dhabbagal ah oo ka dhacay gobolka Diidoqo ayaa waxaa loo dhigay ciidamo katirsan kuwa Burkiina-Faaso, waxaana kamiinka looga dilay 4 askari, iyaodo laga soo furtay hub iyo agabyo kale.
Dhanka kale qarax miino oo ay udhigeen Mujaahidiin Jamaacada Nusratul-Islaam Wal-Muslimiin ayaa haleelay gaari Cabdi-Bile ah oo ay lahaayeen malleeshiyaadka Fagner, wuxuuna ka dhacay dalka Maali.
Sawirro laga soo qaaday goobtauu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya gaariga oo qaraxu haleelay oo burburay, islamarkaana ah gobollo kala duwan oo midba meel yaallo.