Ciidamada Mujaahidiinta ee Jamacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa doraad Isniintii fulisay weerar qorshaysan oo lagula wareegay mid kamida saldhigyada ciidamada Burkiina Faaso, dagaalkan ayaana ka dhacay bar ciidan oo ku taalla Laanafiila oo ka tirsan gobalka Diiduuquu.
Weerarkan ayaa sababay dhimashada 10 askari oo ka tirsanaa ciidamada dalkaas, waxaana mujaahdiinta u suuragashay inay iska hor imaadkaas kula wareegaan hub iyo gaadiid dagaal, sida ay baahisay mu’asasada Al-Zalaaqah oo ah garabka warbaahineed ee Jamacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin.
Hubka lasoo bandhigay ee ay mujaahidiintu la wareegeen waxaa kamid ahaa 5 gaari oo nooca dagaalka ah, 22 Mooto oo nooca laba lugooda ah, gori hoobiye ah, 3 qori oo dhishiikaa, 12 RBG, 13 dabajeex iyo 60 qori oo AK-47 ah, waxay sidoo kale dagaalkaas jamacada Nusratul Islmaan kula wareegtay diyaarado Daronis ah, iyagoo goobta ku gubay 13 gaari oo ay ku qalabaysnaayeen ciidamada dalkaas.
Isla dalka Burkiina Faaso, ciidamada mujaahidiinta ayaa labo maalin kahor la wareegay saldhig militari oo ku yaalla Laanafiila oo ka tirsan gobalka Diiduuquu, waxaana halgalkaas khasaare lagu gaarsiiyay ciidamadii ku sugnaa xarunta la weeraray.
Dhanka kale, dalka Maali ee xuduudka la leh Burkiina Faaso ayaa isna marti galiyay weerar kale oo ay Ciidamada mujaahidiintu la eegteen qaar kamida ciidamada dalkaas, halgalkan ayaa ahaa weerar loo adeegsaday qarax, kaas oo lagu gubay gaari ay wateen askarta dawladda Maali, ciidamadaas oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa deegaanada Dajiini iyo Kaariifuur oo kawada tirsan gobalka Kuuliikuuru.
Ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Musliin oo ka hawlgala wadamada saaxilka Afrika ayaa mudooyinkan dambe xoojiyay weerarada ay ku dhiig bixinayaan askarta dawladaha Baniin, Burkiina Faaso iyo Maali, iyadoo todobaad ka hor dalka Baniin lagasoo diwaan galiyay weerarr culus oo ay mujaahidiintu ku qaadeen xero ciidan oo ay ku sugnaayeen askarta dawladdaas, halkaas oo ay ku dileen illaa 70 askari.