Monday, April 28, 2025
HomeAll NewsNusrtul Islaam Wal-Muslimiin oo ku Dhawaad 70 Askari ku Dishay Dalka Burkina-Faso.

Nusrtul Islaam Wal-Muslimiin oo ku Dhawaad 70 Askari ku Dishay Dalka Burkina-Faso.

Ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nustarul Islaam Wal-Muslimiin ayaa qaaday hawgallo saf balaaran ah oo lagu dhiig bixiyay ciidamada dawladda Burkiina Faaso, waxaana mujaahidiinta u suura gashay inay cagta mariyaan xarumo ciidan oo isku raran ah, halkaas oo lagu dilay ku dhawaad 70 askari oo ay ku jiraan saaraakiishii hogaaminaysay askartaas.

Maalinimadii Jimcaha oo ku beegnayd 27-ka bishan Shawaal, Saldhig militari oo ku yaalla magaalada Tuwuu ee dhacda gobalka Waahiiquwaya ayaa la kulmay weerar xooggan oo kaga yimi dhanka mujaahidiinta Jamacada Nusratul Islaam Wal- Muslimiin, waxaana u suuragashay jihaadiyiinta inay si buuxda ula wareegaan guud ahaan saldhiga iyo nawaaxigiisa.

Dagaalkan ayaa sababay dhimashada 40 askari oo ka tirsanaa ciidamada dawladda Burkiina Faaso, waxaana sidoo kale lagusoo furtay saanad ciidan oo aad u badan, hubka ay mujaahidiintu kula wareegeen dagaalkan waxaa kamid ahaa  hubiyayaal aan tiro lahayn, qoryaha darandooriga u dhaca, ku dhawaad 50 qori oo iskugu jira Ak-47 iyo RBG iyo diyaarado daroonis ah oo aan duuliye lahayn, waxay sidoo kale mujaahidiintu weerarkan ku gubeen illaa 7 gaari oo nooca dagaalka ah.

Mu’assasada Az-Zallaaqah oo ah garabka warbaahineed ee Jamacada Nusratul Islaam Wal-Musliin ayaa baahisay sawiro muujinaya qaabka uu u dhacay dagaalkan cagta lagu mariyay ciidamada dalkaas, waxaana sawirada kasoo muuqanaya askar badan oo daadsan gudaha xerada iyo hareeraheeda, kuwaas oo ay haleeshay xabada mujaahidiinta.

Isla maalinimadii Jimacaha ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Musliin ayaa fuliyay weerar kale oo lagu beegsaday xarun ciidan oo ku taalla tuulada Warbari ee gobalka Diiduuqu ee dalka Burkiina Faaso, waxaana dagaalkan lagu dilay illaa 28 askari oo ka tirsanaa ciidamada dalkaas, iyadoo lagula wareegay inta badan hubkii ay ku qalabaysnaayeen askarta la weerary.

Sawiro lagu faafiyay baraha bulshada oo ay baahisay mu’assasada Az-Zallaaqah ayaa lagu soo bandhigay saanada ciidan oo ay ciidamada mujaahidiintu kula wareegeen dagaalkan, waxaana kamid ahaa hubka fud-fudud, tiro mootooyin laba lugood ah iyo rasaas badan oo aan cadad lahayn.

Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam ayaa mudooyinkii dambe laba jibaartay weerarada isdaba jooga ah ee ay ku beegsanayaan ciidamada wadamada saaxilka, waxaana mujaahidiinta u suuragashay inay nolosha dhaafiyaan boqolaal askari oo kala tirsan wadamadaas, halka sida gaar ah ay hawgalada mujaahidiintu uga socdaan ayaa ah dalka Burkiina Faaso, kaas oo martigaliyay hawgalo culus oo lagu dhiig bixiyay ciidamo aad ubadan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.