Ciidamada Mujaahidiinta ee jamacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa fuliyay weeraro lagu dhiig bixiyay ciidamada dawladaha Burkina-Faso iyo Maali, kuwaas oo ka kala dhacay gobalo kala duwan, waxaana lagu dilay askar iyo saraakiil ciidan, iyadoo ay mujaahidiintu si buuxda ula wareegeen xarumihii ay ku sugnaayeen ciidamadaas.
Weerarka koowaad ayaa ka dhacay xero ku taalla deegaanka Bogonyangari ee gobalka Fadangorma, waxaana lagu dilay 7 askari oo ka tirsan ciidamada Burkina-Faso, mujaahidiinta ayaana dagaalkaas ku qaniimaystay 6 qori oo AK-47 ah iyo 4 mootto.
Maalinkaas maalinkii xigtay ciidmada mujaahidiinta ayaa weerar qarax ah la beegsaday kolonyo askar ah oo galbinaysay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Burkina-Faso, waxaana hawlgalkaas dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii la beegsaday.
Weerarro kale oo ay qaadeen ciidamada mujaahidiinta ee jamacada Nusratul Islaam ayaa sidoo kale lagu dilay 6 askari oo ka tirsanaa kuwa Burkina-Faso, dagaalkan ayaana ka dhacay duleedka magaalada Jibo ee gobalka Soum, waxayna mujaahidiintu kusoo furteen 3 qori oo BKM ah iyo 7 qori oo AK-47 ah.
Ciidamada mujaahidiinta ayaa ka hortagay iskuday ay ciidamada Burkin-faso ku doonayeen inay weerarro ka gaystaan dhulka ay maamulaan mujaahidiinta, waxaana kamiin culus loogu dhigay duleedka magaalada Fama ee gobalka Fadargorma, dagaalkaas ayay mujaahidiintu kusoo qanimaysteen hub iyo gaadiid ay kamid yihiin 17 mootto dhugdhugley, iyagoo halkaas ku gubay 10 mooto oo labalugoodleey kale.
Dhanka kale, 3 askari oo ka tirsan ciidamada Maali ayaa lagu dilay, halka labo baabuur oo kuwa dagaalka ahna lagu gubay weerarr ay mujaahidiintu ka fuliyeen xarun ay ciidamada Maali ku lahaayeen deegaanka Sirakulo oo ku yaalla wadada xiriirisa Sikaaso iyo Kadyuulu, waxayna mujaahidiintu kusoo qanimaysteen saanad ciidan oo ay ka carareen ciidamada Maali.
Sidoo kale mujaahidiintu waxay gudaha dalka Maali ka fuliyeen weerar kale oo lagu dilay laguna dhaawacay askar kasoo jeeda dalkaas, wuxuuna si gaara hawlgalkan uga dhacay tuulada Masiqi ee gobalka Kulikarom.
Wadamada Saaxilka ee galbeedka Afrika waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay weerarro xooggan oo ay fulyeen halyeeyada Jamacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin, iyadoo hawlgaladaas dhagta dhiiga loogu daray tobanaan ka tirsan ciidamada Burkina Faso iyo Maali, kuwaas oo gabod falo baahsan ku haya dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan wadamadaas.