Odayaasha dhaqanka Jubbada Hoose iyo maamulka Islaamiga ee gobolkaas ayaa ka tacsiyeeyay dilkii dhawaan galbeedka magaalada Kismaayo loogu geystay suldaankii beesha Gaaljecel ee Jubada Hoose Suldaan Xasan Ibraahim Muuday, kaasoo ay dileen ciidamo ka amar qaata dowladda Maraykanka.